Rio Ferdinand ayaa ka hadlay dhaleeceynta loosoo jeediyay Thomas Tuchel. Wuxuu kaloo u jawaabay taageerayaashii doonayay in FA-ga ay magacaabaan tababare Ingiriis ah.
Rio Ferdinand ayaa ka jawaabay dhaleeceynta ka dhalatay go’aanka lagu magacaabay Thomas Tuchel oo noqday tababaraha xulka Ingiriiska, wuxuuna saadaaliyay in tababaraha Jarmalka uu koob ku guuleysan doono isagoo hoggaaminaya Three Lions.
Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska (FA) ayaa hadda heshiis la gaaray Tuchel si uu u noqdo beddelka joogtada ah ee Gareth Southgate, iyadoo tababaraha 51-jirka ah uu saxiixay heshiis 18-bilood ah oo qiimihiisu yahay £5 milyan sannadkii.
FA-ga oo sidoo kale wadahadallo aan rasmi ahayn la yeeshay tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa dhaleeceyn kala kulmay qaar ka mid ah taageerayaasha xulka three lions. Waxey ka xumaadeen in mudnaan lasiin waayo musharraxiinta Ingiriiska sida Graham Potter iyo tababaraha Newcastle United, Eddie Howe.
Laakiin Ferdinand wuxuu ku adkeysanayaa in taageerayaasha aysan ka walaacin dhalashada tababaraha xulka Ingiriiska, wuxuuna rumeysan yahay in Tuchel, oo kula guuleystay horyaallo Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain, halka uu Champions League la qaaday Chelsea 2021, uu ahaa tababaraha ugu fiican ee la heli karo.
“Waxaan maqlay warar sheegaya in ay ka hadlayeen Pep oo ay doonayeen inay soo xero geliyaan laakiin xaaladdiisa Man City awgeed ayaa adkeysay,” ayuu yiri Ferdinand isagoo ka hadlayay boggiisa YouTube fiidkii salaasada.