Tababaraha xulka Denmark Kasper Hjulmand ayaa si kama ah u xaqiijiyay in Rasmus Hojlund uu ka soo laabanayo dhaawaca islamarkaana uu ciyaarayo kulanka wareega 8da FA Cup ee ay la ciyaarayaan Liverpool.
Weeraryahanka ayaa ku dhawad muddo bil ah dhaawac muruqa ah ku maqnaa, laakiin waxa uu soo laaban doonaa todobaadkan.
Hojlund ayaa qaab ciyaareed aad u fiican ku jiray ka hor inta uusan dhaawac ka soo gaarin isagoo seegay guushii FA Cup ee ay ka gaareen Nottingham Forest iyo kulamadii Premier League ee Fulham, Manchester City iyo Everton.
Tababare Erik ten Hag ayaan waqti u qabanin xilliga uu soo laabanayo Rasmus Hojlund laakiin haatan waxaa xaqiijiyay soo laabashadiisa tababaraha xulkiisa.
“Waa wax iska cad in Rasmus uu ciyaari doono Axada kulanka Liverpool, waana qasab inuu si fiican u dheelo kulankaas” ayuu Hjulmand u sheegay warbaahinta Denmark ee Campo.
“Sidaas ayaan fileynaa. Waxaan xiriir la leenahay Man United. Waxaan la hadlay Erik ten Hag, waxaana fileynaa inay taasi dhaco. Laakiin waa wax iska cad inay qasab ku tahay in dhibaato la’aan uu kulankaas ciyaaro.”
Ten Hag kuma farxi doono in la sii xaqiijiyo xiddiga uu ciyaarsiin doono kulan adag oo uu kala hortagayo koox ay si weyn u xafiiltamaan, laakiin waxay u tahay war wanaagsan in Hojlund uu u soo laabtay waqti muhiim ah.