Taageerayaasha Liverpool ayaa weerar ku qaaday Cody Gakpo ka dib guushii ay ka gaareen Brighton.
Reds ayaa guul soo laabasho ah oo 2-1 ah ka gaartay Brighton taasoo u ogolaatay inay hogaanka Premier League labo dhibcood ku qabtaan ka dib barbarihii Man City iyo Arsenal.
Danny Welbeck ayaa hogaanka u dhiibay Brighton ciyaarta oo labo daqiiqo socotay ka hor inta aysan Liverpool soo laabasho sameynin iyadoo ay golal u kala dhaliyeen Luis Diaz iyo Mohamed Salah.
Laakiin taageerayaasha ayaa ahaa kuwa careysan ka dib ciyaarta iyagoo soo bandhigay carrada ay u qabaan Gakpo.
Weeraryahanka ayaa la soo geliyay daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta si uu uga caawiyo Liverpool inay guusha xaqiijisato, laakiin taageerayaasha ayaan la dhicin shaqadiisa.
Gakpo ayaa la arkayay isagoo aan wax dadaal ah muujineynin islamarkaana rucleynaya ama socod ku dhexmaraya garoonka.
Taageere ayaa X ku soo qoray: “Waa hubaal in Gakpo uu u baahan yahay in la iibiyo xagaagn.”
Taageere kale ayaa yiri: “Ma jirto sabab ay Michael Edwards iyo Richard Hughes ay inta ay u daawadaan ninkaan oo rucleynaya ka dib markii bedel lagu soo geliyay islamarkaana ay ku fekeraan inuu mustaqbal ku leeyahay kooxda.”
Mid kale ayaa soo qoray: “Gakpo wuxuu kulamadeena u isticmaalaa iskululeyn.”
Taageere kale ayaa yiri: “Cody Gakpo oo bedel lagu keenay islamarkaana diidaya xitaa inuu rucleeyo ciyaar ay qasab tahay inaan badino iyadoo shan daqiiqo ay ka harsan tahay ciyaarta. Hala iibiyo.”
Mid kale ayaa yiri: “Ma jiraa qof ii sharxi kara sababta uu Cody Gakpo uu socod ugu dhexmarayo garoonka?”
“Ninkaan bedel ayaa lagu keenay, durbana wuxuu u muuqdaa mid daalan” ayuu yiri tababare kale.