Xiddiga England Jude Bellingham ayay u badan tahay in aan laga ganaaxi doonin xulka seddexda libaax wareega 8da ee Euro 2024 ee ay wajahayaan Switzerland, sida lagu sheegay warbixintan.
Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa bilawday baadhitaan ay ku samaynayso fal dhaqan xumo ah oo uu sameeyay xidiga Real Madrid kadib goolkii barbaraha England ee uu ka dhaliyay Slovakia.
21-jirkan ayaa waxaa baaritaan ku haya guddiga maamula “ku xad gudubka suurtagalka ah ee xeerarka aasaasiga ah ee anshaxa suubban” ka dib markii uu si ku hor dabaal degay ciyaaryahano fadhiyay kursiga keeydka Slovakia Axadii.
Haddii lagu helo dambiga, UEFA waxay awood u leedahay inay soo saarto ganaaxyo dembiyadan oo kale ah, taasoo keentay walaac laga qabo in Bellingham laga yaabo inuu seego kulanka soo socda ee England ay ku wajahayaan Switzerland ee ka dhacaya Magaalada Dusseldorf.
Ka dib barbarihii wareega 16ka, Bellingham waxa uu baraha bulshada ku sheegay in ficilladiisu ay ahaayeen “kaftan gudaha ah” oo aan ujeedkiisu ahayn xulka kasoo horjeeda balse uu beegsanayay koox “saaxiibo dhow” ah oo fadhiyay meel u dhow tarabuunka.
Iyadoo aan weli go’aan kama dambeys ah la gaarin, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in Bellingham aysan u badneyn inuu wajaho ganaax uga yimaado UEFA, iyadoo ganaaxa uu yahay natiijada ugu macquulsan haddii lagu helo dambiga.
Xaaladan waa mid la mid ah, sida kiiskii Cristiano Ronaldo iyo maamulaha Atletico Madrid Diego Simeone ee Champions League 2019kii, taas oo sababtay in labada shaqsiba lagu ganaaxo lacag dhan £17,000 midkiiba balse ma jirin wax ganaax ah oo la saaray.
Bayaan ay soo saartay Isniintii, UEFA ayaa lagu yiri: ” Kormeeraha Anshaxa ee UEFA ayaa sameyn doona baaritaan edbin ah oo ku saabsan xadgudubka suurtagalka ah ee xeerarka aasaasiga ah ee anshaxa suuban ee ciyaaryahanka xiriirka kubada cagta Ingariiska, Jude Bellingham, isagoo lagu eedeeyay inuu ku kacay fal dhaqan xumo ah.
“Macluumaad ku saabsan arrintan waa la heli doonaa waqtigeeda.”
Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in kiiska Bellingham uu yahay mid cakiran oo ay ugu wacan tahay madmadowga ku xeeran waxa u qalma “fal fool xun” iyo sidoo kale caqabada iman karta ee caddaynaysa in xiddiga Real Madrid uu damacsanaa inuu bartilmaameedsado ciyaaryahanada kursiga keeydka Slovakia.
Bellingham waxa uu Euro soo galay isagoo 21 jir ah, taas oo ay sabab u tahay qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee Real Madrid xilli ciyaareedkii hore.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa door muhiim ah ka ciyaaray in Los Blancos ay xaqiijiso labada koob ee La Liga iyo Champions League, isagoo dhaliyay dhowr gool oo muhiim ah.