Daafaca Liverpool Andy Robertson ayaa ilinta ceshan waayay ka dib markii lagu qasbay inuu dhaawac canqowga ah uga baxo kulankii saaxiibtinimo ee Scotland ay la ciyaareen Northern Ireland.
Kabtanka Scotland waxa uu waaray kaliya 37 daqiiqo ciyaartii Talaadadii (March 26), ka dib markii uu soo gaaray dhaawacii labaad ee xilli ciyaareedkan isagoo ku guda jira waajibaadka qarankiisa.
30-sano jirkaan ayaa horay u seegay seddex bilood oo uu garoomada ka maqnaa ka dib markii uu dhaawac garabka ah ka soo gaaray bishii October, isagoo ka soo laabtay waqti dhow.
Daafaca bidix ayaa canqowga ka dhaawacmay qeybtii hore ee ciyaarta laakiin markii hore waxay u muuqataa dhaawac yar isagoo durbadiiba ka kacay. Laakiin ka dib gool uu saaxiibkiisa Liverpool Conor Bradley hogaanka ugu dhiibay Northern Ireland, Robertson ayaa ku qasbanaaday in la bedelo.
Markii uu garoonka ka baxayay, daafacaan ayaa u muuqday mid murugeysan isagoo ilinta ceshan waayay. Waxay tani dhabarjab weyn ku noqon kartaa Jurgen Klopp iyo hamigooda horyaalka Premier League haddii uu xiddigaan mar kale muddo dheer garoomada ka maqnaado.
Kulamadii heerka caalami ee todobaadkan waxay saameyn xun ku yeesheen kooxaha Premier League sida Man City oo ay ka dhaawacmeen Kyle Walker iyo John Stones.