Christian Eriksen ayaa wadahadalo qarsoodi ah la yeeshay maamulka Manchester United taasoo keeneysa inuu kooxda isaga tago todobaadkan sida ay wararku sheegayaan.
Xiddiga khadka dhexe ee Denmark oo 31 sanno jir ah ayaa kaliya ku soo bilowday seddex kulan oo Premier League ah tan iyo bartamihii bishii November sababo la xiriira dhaawac iyo inaan shaxda loo xulanin.
Waxa uu dhaliyay seddex gool waxaana uu caawiye ka noqday 12 gool kale 63 kulan uu u saftay Red Devils, laakiin waxay u muuqataa inuu kooxda u ciyaaray kulankiisii ugu danbeeyay.
Sida ay sheegtay Foto Mac, Eriksen ayaa ku biiri kara Galatasaray ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Turkiga maalinta Jimcaha.
Eriksen, oo qandaraaskiisa uu dhacayo 2025ka, ayaa si qarsoodi ah wadahadalo kula jira Manchester United iyo Galatasaray.
Waxaa la fahamsan yahay in hishiis amaah ah oo qiyaar loo siinayo kooxda Turkiga inay si joogta ah u iibsato inuu yahay midka miiska saaran.
Haddii hishiiska la dhameystiro, Eriksen wuxuu kulankiisa ugu horeeya ee garoonkiisa cusub safan karaa Sabtida marka ay la ciyaarayaan Istanbul Basahsehir.
Si kastaba, haddii hishiiska la dhameystiri waayo Jimcaha, waxaa jira balanqaad loo sameeyay Eriksen oo ah in hishiiska uu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka.
Eriksen ayaa ku biiray Manchester United xagaagii 2022kii ka dib lix bilood uu wacdarro u dhigay kooxda Brentford.
Ka hor inta uusan ku soo laabanin Premier League, waxa uu joogay Inter Milan balse waayihiisa Serie A ayaa soo dhamaaday markii uu wadnaha istaagay ciyaarihii Qaramada Yurub ee 2021kii.