Mason Mount ayaa u muuqday mid guul lama filaan ah ku hogaaminaya Man United waqtigii dhimashada ciyaarta, laakiin xiddiga Brentford Kistoffer Ajer ayaa dhibic u badbaadiyay kooxda tababare Thomas Frank. Brentford ayaa heshay furado badan oo ay ku jirto dhowr jeer ay birta ku garaacday.
XIDDIGA GAROONKA – IVAN TONY (BRENTFORD)
Wuxuu ahaa halis weyn, waxa uu kala dhantaalay daafacyada Man United ilaa iyo dhamaadkii ciyaarta. Taabashadiisa, aragtidiisa iyo awoodiisa waxay aheyd mid aan la dhayalsan karin, waxay aheyd inuu goolal badan dhaliyo balse wuxuu gacan ka geystay goolkii barbaraha.
XIDDIGAHA LAGU QASAARAY
Ciyaaroyda Man United marka laga reebo goolhaye Onana, Dalot, Varane iyo Fernandes waxay ahaayeen kuwa lagu qasaaray. Waxaase ugu darnaa oo ugu liitay McTominay iyo Rashford oo helay qiimeyn afar ah.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
Brentford: Flekken 7, Jorgensen 6, Ajer 7, Collins 6, Roerslev 7, Yarmolyuk 7, Jensen 8, Janelt 7, Lewis-Potter 7, Wissa 6, Toney 8.
Kaydka: Damsgaard 6, Mbuemo 6, Ghoddos 6, Maupay 6 .
Manchester United: Onana 7, Dalot 7, Varane 7, Lindelof 5, Wan-Bissaka 5, McTominay 4, Mainoo 5, Garnacho 5, Fernandes 6, Hojlund 5, Rashford 4.
Kaydka: Maguire 6, Martinez 6, Antony 6, Mount Mount 7, Casemiro 7.