Liverpool ayaa ah kooxda faraxsan caawa ka dib natiijooyinkii maanta ee kulamada Premier League. Waxaa isku dhegay labada kooxood ee horyaalka kula tartamaya ee Arsenal iyo Man City oo ku kala baxay barbaro goolal la’aan ah.
Waxay taasi fursad u siisay inay hogaanka Premier League ku qabtaan labo dhibcood oo ay ka sareeyaan Arsenal oo kaalinta labaad u dhacday iyo seddex dhibcood oo ay ka sareeyaan kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City.
XIDDIGA GAROONKA: William Saliba (Arsenal)
Shaki kuma jiro in ciyaartii maanta ay aheyd bandhigii difaacyada, gaar ahaan daafac Arsenal ee Saliba iyo Gabriel laakiin William Saliba ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican isagoo xariiqdiisa difaaca ku hogaamiyay si aad u sareysa. Wuxuu ku guuldareystay inuu hubka ka dhigo Haaland is fahamka kala dhaxeeya Gabriel ayaana keentay in Man City ay waxba ka qaadi weyso Arsenal inkastoo ay heysteen kubada inteeda badan.
XIDDIGAHA FASHILMAY
Dhanka Man City waxaa ugu liitay weeraryahan Erling Haaland oo haatan caado ay u noqotay in la waayo kulamada waa weyn. Saameyntiisa waa la xadiday. Si la mid ah waxaa isna saameyntii ay yaraatay Kevin de Bruyne oo soo bandhigi waayay ciyaartii looga bartay.
Dhanka Arsenal waxaa ka liitay xiddiga dhaawaca ka soo laabtay ee Bukayo Saka oo la dareemayay inuu ahaa mid aan boqolkiiba boqol taam aheyn. Si la mid ah Odegaard oo ay saameyntii xadidneyd islamarkaana khadka dhexe waxba ka keeni waayay..
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
Man City: Ortega (6), Akanji (7), Dias (7), Ake (6), Gvardiol (7), Rodri (7), Silva (7), Kovacic (7), De Bruyne (5), Foden (6), Haaland (5).
Bedel: Lewis (6), Doku (6), Grealish (5)
Arsenal: Raya (6), White (7), Saliba (8), Gabriel (7), Kiwior (6), Rice (7), Jorginho (7), Odegaard (5), Saka (5), Jesus (6), Havertz (6).
Bedel: Partey (6), Tomiyasu (6), Trossard (6), Martinelli (6)