Jude Bellingham ayaa ku dhex sugay xerada lebiska ee Anfield si uu funaanadda ugu beddesho saaxiibkiisa xulka England Trent Alexander-Arnold.
Bellingham ayaa ciyaaray dhammaan 90-kii daqiiqo ee kulankii ay Real Madrid guuldarro 2-0 kala kulantay Liverpool habeenkii Arbacada. Labadan ciyaartoy ayaa horay u yeeshay xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer intii ay ku wada sugnaayeen xulka qaranka England. Waxaa xitaa suuragal ah in Alexander-Arnold uu ku biiro Madrid xagaaga marka uu dhammaado qandaraaskiisa Liverpool.
Inkastoo Alexander-Arnold uusan ciyaarin kulankaas, haddana Bellingham ayaa u muuqday mid doonaya inuu funaanadda ka beddesho Arnold.
Muuqaallo laga soo qaaday tunnel-ka Anfield ayaa muujinaya Bellingham oo ku tiirsan derbi ku yaalla bannaanka albaabka qolka labiska Liverpool. Inkastoo Alexander-Arnold uusan halkaasi ku sugneyn, Ryan Gravenberch ayaa ka caawiyay inuu helo funaanadda.
Markii uu Gravenberch kasoo baxay tunnel-ka, Bellingham ayaa qabtay una sheegay codsigiisa. Gravenberch ayaa galay qolka labiska Liverpool kadibna kusoo laabtay isagoo wada funaanadda Alexander-Arnold.
Bellingham ayaa ka beddeshay funaanaddiisa Gravenberch ka hor inta uusan dib ugu laaban qolka labiska Madrid. Xiddiga Madrid ayaa saaxiibtinimo dhow la yeeshay Alexander-Arnold intii lagu jiray ololihii England ee final-kii Euro 2024.