Xidigii hore ee Premier League Ahmed Mido ayaa sheegay in xiddiga Liverpool Mohamed Salah uu xilli hore aqbaly inuu u wareego horyaalka Sacuudiga xilli ciyaareedka soo socda.
Salah ayaa xagaagii hore si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Saudi Pro League, waxaana dalab 150 milyan ginni ah ka gudbisay Al-Itixaad iyadoo Liverpool ay dalabkaas diiday maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga.
Laakiin horyaalka Sacuudiga ayaan weli ka rajo dhigin inay Salah ku qanciyaan inuu ka tago Liverpool, waxaana laga yaabaa inay xiddigooda helaan xagaagan.
Weeraryahankii hore ee Tottenham Ahmed Mido oo sidoo kale u ciyaaray Middlesbrough, Wigan iyo West Han ee horyaalka Premier League ayaa sheegay in xiddiga ay isku wadanka yihiin ee Mohamed Salah inuu durbaba qalinka ku duugay hishiis uu ugu wareegayo Sacuudiga laakiin ma uusan carabaabin kooxda uu hishiiska la galay.
“Mohamed Salah waxa uu ka ciyaari doonaa horyaalka Sacuudiga xilli ciyaareedka soo socda” ayuu Mido ku soo qoray shabakada X ee la oran jiray Twitter.
“Qandaraasyada waa la saxiixay” ayuu qoraalkiisa raaciyay.
Mido ma ahan shaqsiga kaliya ee aaminsan in Salah uu ka tagayo Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo halyeeyga Liverpool Mark Lawrenson uu sidoo kale horaantii bishaan sheegay in xiddiga reer Masar uu ka tagi doono Anfield ka dib todoba sannadood uu joogay.