Xiddigii hore ee xulka France, Bacary Sagna, ayaa saadaaliyay in Liverpool laga reebi doono UEFA Champions League ayada oo Paris Saint-Germain ay ka adkaan doonto, inkasta oo Liverpool ay 1-0 ku badisay lugtii hore ee wareega 16-ka.
Sagna sidoo kale wuxuu aaminsan yahay in Arsenal wali fursad ay u haysato hanashada horyaalka Premier League inkasta oo Liverpool ay 13 dhibcood ka hoseeyso.
“Waxaan aaminsanahay inay [Arsenal] shaqo weyn qabatay. Dadka qaarkood way niyad jabeen maxaa yeelay waxay filayeen in kooxdu ay xilligan ku dhowaan lahayd [Liverpool],” ayuu Sagna u sheegay talkSPORT.
“Dabcan, weli lama dhameyn. Way adag tahay in Liverpool la qabto, laakiin markaan fiiriyo ciyaartii ay la dheeleen Paris Saint-Germain, waxaan is leeyahay laga yaabee inay jiraan waqtiyo ay si fiican u ciyaari waayaan.
“Laga yaabee in Arsenal ay fursad u hesho inay farqiga yareyso. Waqtigan farqigu wuu weyn yahay, laakiin waxaa laga yaabaa in la dhimi karo. Ma ogid waxa dhici doona.
“Waxaan aaminsanahay in Paris ay fursad wanaagsan u leedahay inay u gudubto wareega xiga ee Champions League, taasoo sababi karta hoos u dhac niyadeed oo ku yimaada Liverpool.
“Hadda Liverpool aad bay u wanaagsan tahay maadaama ay natiijooyin fiican helayaan, laakiin wax kasta way dhici karaan.”
Dhanka kale, Real Madrid ayaa ah kooxda heysata Champions League, halka Manchester City ay tahay horyaalka haatan ee Premier League.