Inigo Martinez ayaa wadada dhexdeeda kula dagaalay taageere da’ yar oo aflagaadeeyay.
Xiddiga Barcelona oo 32 sanno jir ah ayaa gaarigiisa baakimay wadada ka hor inta uusan ka soo degin islamarkaana uusan ku qeylinin taageeraha.
Taageeraha ayaa ka mid ah taageerayaal mar walba hor taagan garoonka tababarka Barcelona iyagoo raadinaya muuqaal ay caan ku noqdaan, waxaana dhowr jeer cabasho ka gudbiyay ciyaartoyda Barcelona oo sheegay inay aflagaado iyo ixtiraam darro la kulmaan.
Inigo Martinez ayaa markaan u dulqaadan waayay aflagaadada, waxaana uu ku dhawaaday inuu u gacan qaado taageeraha isaguu ku yiri:
“Ma i maqashaa, waa markii kuugu danbeysay ee aad doqon iigu yeerto. Waa markaaga kuugu danbeysay ee aad doqon iigu yeerto. Waa markaadii ugu danbeysay ee aad i aflagaadeyso. Saaxiibkaana waa la mid ah. Hadaba waan ku digay.”
⛔️✋🏼 Inigo Martinez said stop to some fans insulting him. pic.twitter.com/YZJcs8WFFe
— Fabrizio Romano (@FabrizioRomano) April 1, 2024
Taageeraha ka careysiiyay Inigo Martinez ayaa ka dib laga kaxeeyay goobta iyadoo ciyaaryahanka uu ku laabtay gaarigiisa.
Wargeyska Marca ayaa sheegay in taageerayaasha hor taagan garoonka tababarka Barcelona inay raadiyaan muuqaalo ay kaga careysiinayaan ciyaartoyda si ay caan u noqdaan.
Qaarkood waxay weydiistaan in saxiixyo loo sameeyo si ay u sii iibiyaan.
Liverpool fans