12kii bilood ee u dambeeyey, Eduardo Camavinga waxa uu aad muhiim ugu ahaa kooxdiisa Real Madrid, waxaana uu kasbaday quluubta qof kasta markii uu buuxiyey booska difaaca bidix oo uu ka dhaawacmay Ferland Mendy, halkaas oo uu marna ku noqonayey marna khadka dhexe soo gelayay.
Waxyaabaha aadka looga sheekaystay waxa ka mid ahaa, inta boos ee uu laacibkani ka ciyaari karayo, waxaana uu noqday shaqsiga lagu kaftamayey inuu goolka ka dheeli doono markii uu jilibka ka dhaawacmay Thibaut Courtois ka hor intii aanu xilli-ciyaareedku bilaabmin ee aanay Los Blancos goolhaye u doonanin Chelsea oo ay amaah kaga soo qaadatay Kepa Arrizabalaga.
Xiddiga reer France ee Eduardo Camavinga ayaa waraysi uu siiyey wargeyska Telefoot, waxa lagu weydiiyey inta boos ee uu ka ciyaari karayo, waxaanu ku jawaabay: “Xataa goolka ayaan ka ciyaari karayaa. Waxa aan noqon doonaa goolhaye haddii loo baahdo.”
Hadal-haynta goolhayenimo ee Eduardo Camavinga ayaa waxa ay bilaabantay markii ay soo baxeen muuqaallo uu laacibkani goolka ku jiro iyadoo ay ciyaartoyda Real Madrid kubbado ku tooganayaan, kuwaas oo uu intooda badan u badbaadiyey si cajiib ah oo la moodayey inuu muddo dheer goolhaye ahaa.
Eduardo Camavinga oo sannadkii 2021 ay Real Madrid kasoo iibsatay Rennes, ayaa waxa xagaagii lala xidhiidhiyey kooxo horyaalka Premier League ah, waxaase uu kaga jawaabay arrintaas waraysiga Telefoot, isaga oo yidhi: “Waxa aan mustaqbalkayga ku dhamaysanayaa Real Madrid, halkan ayaan doonayaa inaan noloshayda ku dhamaysto. Real Madrid waa riyada qof kasta.”