Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa hoggaanka uga tanaasulay Arsenal, kaddib markii ay barbarro ku dhamaysteen ciyaar ay isla rafaadeen oo ka dhacday garoonka Anfield oo ay fursado badan iska khasaariyeen labada kooxood.
Manchester City ayaa gool uu u dhaliyey John Stones la hormartay, laakiin Liverpool ayaa ka daba timid oo goolka barbarraha oo rikoodhe ahaa uu u saxeexay Alexis Mac Allister, taas oo ka dhigan in hoggaanka horyaalka ay si rasmi ah ula wareegtay Arsenal oo farqiga dhibcaha kaga haysa Liverpool oo ay isku dhibco yihiin.
Manchester City oo weerar culus ku bilaabatay ciyaarta ayaa shantii daqiiqadood ee ugu horreeyey heshay laba fursadood oo halis ahaa oo uu badbaadiyey goolhaye Kelleher, iyado mid ka mid ah fursadahaas oo ahaa gantaal uu ku toogtay Kevin de Bruyne uu dib iskaga soo celiyey.
Liverpool oo yaabban ayaa waxa Man City ay heshay koorne uu dhinaca midig kubadda la tegay, waxa uu si khiyaano ku jirto usoo dhigay goolka hortiisa iyadoo ay ciyaartoyda Liverpool filayeen in uu madax soo saari doono, balse waxay is-fahmeen John Stones oo laba tallaabo hore ugu soo qaaday si uu kubadda shabaqa oo agtiisa ahaa ugu leexiyo.
Goolkan ayaa khalkhal ku riday Liverpool iyadoo ciyaartoyda Man City ay bilaabeen inay kubadda isku-dhiibaan oo ay tiki taka ciyaaraan, laakiin khadka dhexe oo ay si adag uga shaqaynayeen Mac Allister iyo Wataru Endo oo kaashanaya Harvey Elliott iyo Darwin Nunez ayaa kubadda dib ugu soo celiyey lugta Liverpool oo sameeyey fursado badan.
Julian Alvarez ayaa helay fusad loo qaatay gool oo uu ka dhiidhiyey goolhaye Kellher, ka hor intii aanu Darwin Nunez hadiyad goolka hortiisa u dhigin Luiz Diaz oo si qurux badan u dhamaystiray, laakiiin markii ay ciyaartoyda Liverpool bilaabeen dabbaal-degga ayay arkeen iyadoo uu garsooruhu madaxa ruxayo oo uu u sheegayo inuu offside ku jiray Nunez markii kubadda loosoo dhiibayey.
Conor Bradley ayaa qaatay go’aan qalad ahaa oo ay carruurnimo ka muuqato markii uu kubbad uu la tegay goolka hortiisa oo ahayd in uu goolka toogto uu isku dayey inuu u dhiibo ciyaartooyo cidhiidhi ku jira, sidaasna ay fursaddaasi kaga luntay.
Markii lagus oo noqday qaybta labaad ee ay shan daqiiqadood socotay ayaa Liverpool loo dhigay rikoodhe uu si xarrago leh u dhamaystiray Alexis Mac Allister.
Manchester City ayaa waxa ka dhaawacmay goolhaye oo sameeyey qaladka rikoodhaha, waxaana lagu soo beddelay Stefan Ortega oo qabtay shaqo cajiib ahayd.
Luis Diaz ayaa laba jeer goolka la hortegay kubbado uu kalidii ahaa oo uu midna goolka dhinac mariyey, midna uu kasoo gaadhay Walker oo ka gujiyey, halka kubbad ay kali ku ahaayeen ay isku qabsadeen Cody Gakpo iyo Diaz oo is-khalkhaliyey.
Jeremy Doku ayaa kubbad uu dhaafiyey goolhaye Kelleher waxay kaga dhacday birta, iyadoo dib ugu soo laabatay halka uu taagnaa goolhayaha oo sidaasna ku badbaadiyey.
Daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ah ayay Liverpool ku doodday in la siiyo rikoodhe markaas oo uu Doku xabbadka ka laaday Mac Allister, hase yeeshee garsooraha iyo VAR ayaa diiday maaraama aanu laacibka reer Argentina haysanin kubadda oo ay u dhaxaysay.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah, waxaanay natiijadani caawisay Arsenal oo farqiga goolasha hoggaanka kaga haysa Liverpool oo ay isku dhibco yihiin oo ay haystaan min 64 dhibcood, halka Man City ay saddexaad u dhacday oo ay haysato 63 dhibcood.