Waxa ay ahayd mid ka mid ah ciyaarihii ugu wacnaa ee Arsenal xilli ciyaareedkan, iyadoo Gunners si la yaqaan u garaacday koodda Sporting CP oo ay marti u ahaayeen.
Arsenal ayaa goolka hore waxay ka heleen Martanelli, iyadoo kan labaad uu raaciyay Kia Havartez.
Kan sadexaad waxaa kusoo xiray qeybtii hore ee ciyaarta Gabriel Magalhaes oo madax ku dhaliyay koorno uu soo qaaday Declan Rice, isagoo ciyaarta ka dhigay 3-0.
Qeybta labaad markii lasoo laabtay Arsenal halkeeda ayay kasii waday ciyaarta quruxda badan oo ay habeenkaan ku baashaaleysay kooxda Lisbon ee ka dhisan Portugal.
Sporting ayaa hal gool dib ugu soo celisay waxaana u dhaliyay daafaca dhexe ee Goncalo Inacio si uu u siiyo rajo soo laabasho ah kooxdiisa.
Laakiin sheekadaas waxaa diiday Bukayo Saka rikoore loo dhigay Gunners ku dhaliyay goolka 4aad ee Arsenal.
Laacibka reer Belgium ee Trossard ayaa dhaliyay goolka shanaa ee Gunners, waa wax cajiib ah in Arsenal 5 gool ku badiyaan iyagoo marti ah caawa.
Kulankaan waxaan ka baranay in Arteta iyo Arsenal soo laabteen oo ay heleen qaab ciyaarood sax ah, waxaana muuqata in Odegaard wax badan ka bedelay kooxda.
Hadii markale uu dhaawacmo Odegaard sodee nooqn karaa xaalka Arsenal waa su,aal kawaab kaga baahan Arteta.