Chelsea ayaa laga dhaliyay 57 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waana goolashii ugu badnaa ee hal xilli ciyaareed laga dhaliyo tartanka, markii ugu danbeysay ee goolal badan laga dhaliyay waxaa laga dhaliyay 55 gool xilli ciyaareedyadii 1994-95 iyo 1996-97.
Arsenal ayaa guushoodii ugu weyneyd abid ka gaartay Chelsea tartamada oo dhan, waligood 5-0 kuma garaacin Blues.
Chelsea ayay u aheyd guuldaradii ugu cusleyd ee ka soo gaartay kulan London Derby ah tan iyo markii ay guuldarro 6-0 ka soo gaartay QPR bishii Maarso 1986kii.
Arsenal ayaa gaartay guushoodii 24aad ee Premier League xilli ciyaareedkan, waxayna barbareeyaan guulahoodii ugu badnaa ee ka dib 34 kulan oo la ciyaaray horyaalka, waxay sidaan oo kale sameeyeen xilli ciyaareedkii hore iyo xilli ciyaareedkii 2003/04 oo uu Arsene Wenger tababare u ahaa.
Ka dib shantii gool ee ay ka dhaliyeen Chelsea, Arsenal waxay haatan dhalisay 100 gool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.
Arsenal waa kooxda labaad ee taariikhda Premier League ee gurigeeda kulan Premier League ah uga badisa Chelsea, Liverpool, Manchester City iyo Manchester United hal xilli ciyaareed gudaheed, ka dib markii ay sidaasi sameysay Blackburn Rovers xilli ciyaareedkii 1993/94.
Martin Odegaard ayaa abuuray sideed fursadood kulankii Chelsea, waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Gunners ee fursadaha ugu badan abuura hal kulan oo Premier League ah tan iyo Mesut Ozil vs Everton bishii Oktoobar 2017 isagoo abuuray sideed fursadood.
Kai Havertz ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee u ciyaaray Chelsea ka dibna labo gool ka dhaliyay markii uu ka horyimid.