Xabi Alonso ayaa maanta si rasmi ah uga hadlay oo albaabada uga xidhay kooxihii lala xidhiidhinayey, waxaana uu xaqiijiyey in uu sii joogayo naadigiisa Bayer Leverkusen xilli-ciyaareedka dambe.
Kooxda horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayey Xabi Alonso, waxaanay u doonayeen inuu noqdo tababarahooda cusub ee beddelaya Jurgen Klopp oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tegi doona Anfield oo uu sagaal sannadood joogay.
Waxa kale oo si weyn u doonaysay Bayern Munich oo uu iyana usoo ciyaaray oo dhamaadka xilli-ciyaareedka uu ka tegi doono Thomas Tuchel oo isaga oo sannad kaliya laylinayey lagu wargeliyey in aan loo ogolaanayn inuu sii joogo kooxda kaddib maadaama ay toban dhibcood ka dambeeyaan Bayer Leverkusen oo hoggaanka u haysa horyaalka Bundesliga.
Alonso oo ay da’diisu tahay 42 jir ayaa maanta la hadlay warbaahinta, waxaana uu sharraxaad ka bixiyey go’aanka mustaqbalkiisa iyo sababta aanu waqtigan u tegaynin Liverpool iyo Bayern Munich midkoodna, waxaanu yidhi: “Kaddib hadal-hayn badan oo ku saabsanayd mustaqbalkayga, waa in aan ka jawaabo oo aan caddeeyo go’aankayga.
“Halkani [Leverkusen] waa meeshii aan doonayey in aan joogo. Wali shaqadayda Bayer ma dhamaanin. Waxa aan doonayaa in aan kooxdan caawiyo, waxa aan doonayaa in aan ciyaartoyda ka caawiyo inay horumar sameeyaan, boodhka maamulka ayaa aad u wanaagsan, wax walba oo halkan ah aad ayay u wanaagsan yihiin.”
Xabi Alonso oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Anigu wali waxa aan ahay tababare da’yar, laakiin go’aankayga ugu fiican ee mustaqbalkayguna waa sidan. Waxa aan qaadanayaa waqtigayga si aan u xaqiijiyo go’aankayga.
“Waxa aan u mahad-celinayaa Bayer iyo boodhka, ciyaartoyda iyo taageereyaasha. Waxa aan dareemayaa in sidani tahay qaabka ugu wanaagsan ee aanu kusii wada shaqaynayno.
“Waa run in aan ciyaartoydana sidoo kale ku wargeliyey go’aankayga. Waqtigii kama dambaysta ahaa ee go’aankaygu waxa uu ahaa toddobaadkan, waanan ixtiraamayaa. Wax walba way cad yihiin hadda.”
Mar la weydiiyey inuu ka hadlo damaca Liverpool iyo Bayern Munich, waxa uu ku jawaabay: “Anigu hadda kama hadlayo Liverpool ama Bayern.”