Xabi Alonso ayaa Bayern Munich ka dooran doona Liverpool hadii uu go’aansado in uu isaga tago Bayer Leverkusen sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Germany.
Kooxda Liverpool ayaa u calaamadeysatay xiddigoodii hore ee khadka dhexe in uu yahay dooqa 1-aad ee badalka Jurgen Klopp xagaaga. Alonso, oo 42 jir ah, ayaan weli xaqiijin inuu ka tagayo Leverkusen, kuwaasoo qarka u saaran inay ku guuleystaan horyaalkoodii ugu horeysay abid ee Bundesliga.
Waqtigan xaadirka ah, xiddiga ku guuleystay Champions League iyo Koobka Adduunka wuxuu diiradda saarayaa soo afjarida awoodda guulaha ee Bayern Munich. Si kastaba ha ahaatee, ilo Jarmal ah ayaa fahamsan inuu doorbidayo inuu ku biiro Bayern haddii uu ka tago Bay Arena dhamaadka xilli ciyaareedkan.
🇩🇪 Sky Germany's Florian Plettenberg understands that if Xabi Alonso leaves Bayer Leverkusen this summer, he will join Bayern Munich over Liverpool. pic.twitter.com/MS0Nod3aql
— Sky Sports News (@SkySportsNews) March 22, 2024
Sky Germany ayaa sheegay in Bayern ay kalsooni ku qabto inay ka dhaadhiciso xiddigeedii hore inuu u wareego Allianz Arena, laakiin weli wax wadahadal ah lama aysan la gelin. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in Alonso ay u badan tahay inuu Bayern doorto bedelkii uu dooran lahaa Liverpool haddii uu ka tago Leverkusen.
Madaxweyne sharafeedka Bayern Munich Uli Hoeness ayaa si cad u sheegay in Bayern ay u aragto Alonso bedelka tababaraha baxaya ee Thomas Tuchel.