Mikel Arteta oo amaanay xiddig Arsenal kadib guushii 5-1 ee Sporting: Wuxuu sheegay Arteta in Xiddigana sameeyay ‘Mid ka mid ah bandhigyadiisii ugu fiicnaa abid’.
Mikel Arteta ayaa ku ammaanay Thomas Partey qaab ciyaareedkiisa kulankii Champions League ee Arsenal ku garaacday Sporting CP 5-1, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa ‘mid ka mid ah bandhigyadiisii ugu fiicnaa abid’.
Arsenal ayaa soo bandhigtay ciyaar awood badan fiidnimadii Talaadada, iyadoo goolal ka kala yimid Gabriel Martinelli, Kai Havertz, iyo Gabriel Magalhaes ay saddex gool ku hoggaamisay qeybtii hore ee ciyaarta.
Gonçalo Inacio ayaa Sporting u keenay hal gool daqiiqado yar kadib qeybtii nasashada, laakiin Bukayo Saka iyo Leandro Trossard ayaa goolal dhaliyay si ay u xaqiijiyaan guusha Arsenal.
Dhanka kale, Partey ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah oo uu ku maamulayay khadka dhexe ee Arsenal, waxaana Arteta uu ku sheegay 31-jirkan inuu noqon karo ciyaaryahan muhiim ah xilli ciyaareedkan.
“Waxaan u maleynayaa inay ahayd mid ka mid ah bandhigyadiisii ugu fiicnaa ee aan arkay, gaar ahaan sida uu u xakameeyay ciyaarta. Waa heerka uu ciyaari karo, wuu horumarayaa,” ayuu yiri Arteta isagoo ka hadlaya Partey.
“Xilli ciyaareedkan isku mid ayuu ahaa waana arrin weyn, mar walba wuxuu kasoo baxaa doorkiisa, taasina waa wax weyn, waana ciyaaryahan muhiim noo ah.”
Markii la weydiiyay in guushii Arsenal loo tixgelin karo ‘farriin’ loo diray kooxaha kale ee Champions League, Arteta ayaa ku jawaabay:
“Hubaal, bandhiggeenu waa heersare. Markii aan la ciyaarnay kooxaha waaweyn sida PSG, waan la yaabnay, sidoo kale markii aan la ciyaarnay Bayern waan cajabinay, laakiin khaladaadka qaar ayaa hoos inoo dhigay.”