Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa hanjabaad dadban usii diray kooxda uu xafiiltanka taariikhiga ah ka dhexeeyo ee Liverpool ka hor ciyaartooda wareegga siddeedda ee FA Cup ee Axadda toddobaadka dambe, waxaana uu sheegay inuu usoo laabtay laacibkii dili lahaa Liverpool.
Liverpool ayaa laba imtixaan oo adag maraysa labada Axadood ee isku xiga ee toddobaadkan iyo usbuua dambe, waxaanay waajahaysaa labada kooxood ee isku magaalada ah ee Manchester City oo usbuucan ay la dheelayso horyaalka Premier League iyo Manchester United oo ay toddobaadka dambe wada ciyaarayaan FA Cup oo ay midkood u gudbi doonto afar dhamaadka.
Manchester United ayaa dib u helaysa kulanka Liverpool weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund oo dhaawac ku seegay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxdiisa ee Man City iyo Fulham oo laga badiyey iyo Nottingham Forest oo ay guul cidhiidhi ah ka gaadheen.
Hojlund oo lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu dheelay u dhaliyey Man United toddoba gool, laba kalena caawiyey, ayaa waxa uu kusoo laabanayaa kooxdiisa usbuucan, balse Ten Hag ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inuu taam u noqonayo ciyaarta Liverpool, halka kulanka Everton aanu hubin.
Waxa kale oo uu tababaruhu sheegay, in Marcus Rashford iyo Jonny Evans ay kasoo kabteen jugo kasoo gaadhay ciyaartii Man City ee toddobaadkii hore, diyaarna ay u yihiin kulanka Everton.