Wayne Rooney ayaa si carro leh ugu jawaabay kabtanka Liverpool Virgil van Dijk kaasoo ciyaartii Everton ka dib u muuqday inuu ka cabanayo waqtiga ay Liverpool ciyaari doonto kulankooda soo socda ee West Ham.
Liverpool ayaa guuldaradoodii ugu horeysay ee horyaalka ku dhadhamisay garoonka Goodison Park tan iyo 2010kii iyadoo Everton ay 2-1 ku badisay.
Inkastoo uu Van Dijk ciyaartoyda kooxdiisa ku canaantay qaab ciyaareedkii xumaa ee ay soo bandhigeen, hadana wuxuu u muuqday mid ka cabanaya in kulankooda xiga ee ay Sabtida u safranayaan West Ham inay ciyaarayaan duhurnimada 12:30 waqtiga Ingariiska.
Waxa uu yiri: “Waxaa la joogaa waqtigii aan diirada saari laheyn ciyaar kale oo aan dheeleyno 12:30”.
Klopp ayaa si joogta ah uga cawda in kooxdiisa ay ciyaarto waqti duhurnimo gaar ahaan waqtiga 12:30pm ee saacada Ingariiska.
Laakiin halyeeyga Manchester United Wayne Rooney oo ciyaartii xalay u falanqeynayay Sky Sports ayaa ka jawaabay hadalka ka soo yeeray Van Dijk.
38 jirkaan ayaa canaantay Van Dijk isagoo yiri: “Kooxdaan Liverpool waxay aheyd inay rabaan inay berriba garoonka soo galaan.
“Waa wax laga walwalo inuu sidaas yiraahdo, wax badan ayayna dhacday xilli ciyaareedkan.
“Waa kabtanka kooxda, wuxuuna ka hadlayaa in Liverpool laga xoog badiyay laakiin hadana waxaan maqleynaa isagoo ka cabanaya inay ciyaari doonaan 12:30 ka dib guuldarro ka soo gaartay kulanka Derby ah.
“Waxay aheyd inay raboodaan in berri subaxba la ciyaaro kulanka xiga.
“Marka lagaa badiyo ciyaar gaar ahaan kulan derby ah, waxaa dooneysaa in ciyaarta xiga ay si dhakhso ah kuugu timaado.
“Wax badan ayaan maqalnay xilli ciyaareedkan Liverpool oo ka cabaneysa ciyaarista 12:30.
“Iska daaya oo horay uga socda. Waa qeyb ka mid ah shaqadiina! Waa inaad diyaar u tihiin inaad ciyaartaan.”