Kooxda kubadda cagta Bayern Munich waxay mar horeba soo celisay 12% lacagtii ay xagaagii ka bixisay weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo ay £82 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Tottenham Hotspur.
Harry Kane ayaa si fiican kula bilowday Bayern Munich, waxaaan 23 kulan oo uu u saftay uu u dhaliyey 26 gool oo dhamaan tartamada ah, halka uu ku darsaday siddeed caawimood oo uu kubbadda hadiyado uga dhigay ciyaartoyda kooxdiisa.
30 jirkan oo kooxdiisii hore ee Tottenham 213 gool u dhaliyey 320 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, ayaa waxa uu hadda hoggaanka u hayaa tartanka kabta dahabka ah ee gool-dhalinta horyaalka Bundesliga, waxaanu ka horreeyaa Serhou Guirassy iyo Lois Openda.
Garanka Harry Kane ee No.9 ayaa noqday midkii ugu caansanaa taariikhda kooxda oo jirtay 124 sannadood, waxaana toddobaadkii ugu horreeyey ee uu kooxdaas joogay la iibsaday ku-dhowaad 20,000 garan oo uu magaciisu ku qoran yahay.
Sida uu qoray wargeyska Mirror, Bayern Munich waxa illaa hadda ay kasoo xaraystay lacag dhan £10 milyan oo Gini iibka garamada ‘Harry Kane 9’ ee ay ku xardhan yihiin magaca iyo lamabrka uu xidhan yahay laacibka reer England, waana 12% lacagtii ay ku kharash gareeyeen xagaagii.
Harry Kane ayaa haddii uu xilli-ciyaareedkan dhaliyo 40 gool (waxa uga hadhay 14), waxa uu heli doonaa abaal-marin lacag ah oo gaadhaysa £218,000 Gini, sida ku cad heshiiskiisa, waxaana xilli-ciyaareedka oo kala-badh maraya uu dhaliyey 26 gool, taas oo ka dhigan in 14 kali ahi uga hadhsan yihiin.