Goolhayihii hore ee Arsenal iyo xulka qaranka England ee David Seaman ayaa saadaal ka nixisay Gunners ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo laba ciyaarood oo kali ahi ay ka hadhsan yihiin, marka laga reebo dhawr kooxood oo ay ku jiraan Man City iyo Man United oo ay min saddex ciyaarood baaqi u yihiin.
Arsenal ayaa hoggaaminaysa horyaalka Premier League oo hal dhibic ka sarraysa Man City oo labaad ku jirta, laakiin kooxda tababare Pep Guardiola ayaa haysata ciyaar dheeraad ah oo haddii ay guuleysato ay laba dhibcood dhaafi doonto Arsenal.
Saddexda ciyaarood ee u hadhsan, waxa Manchester City ay la dheeli doontaa Fulham oo usbuucan ah, Tottenham iyo West Ham, halka Arsenal ay kulamadeedu u hadhsan yihiin Manchester United oo Axadda ay ku booqanayso Old Trafford iyo Everton oo ay kusoo xidhanayaan horyaalka.
Arsenal oo ay ugu dambaysay sannadkii 2004 inay ku guuleysato horyaalka Premier League ayaa waxa uu David Seaman sheegay in ay yar tahay fursaddooda ay kusoo afjari karayaan abaarta ka haysatay horyaalka, waxaana uu xusay in aanay muuqanin in cidi joojin karayso Man City.
David Seaman oo la hadlayey warbaahinta ayaa yidhi: “Haddii aan runta sheego oo aan si daacadnimo eh u hadlo, aniga iima muuqato sabab aanay Manchester City ugu guuleysanaynin ciyaar walba. Dhibaatada na haysataana waa taas.”
Seaman oo laba jeer horyaalka Premier League kula guuleystay Arsenal ayaa intaa ku daray: “Ciyaarta kaliya ee adag ee u hadhay Man City waa Tottenham oo marti u ah, laakiin Spurs kuma jirto waqti fiican sida ay Manchester United xilli xun ugu jirto oo kale.
“Arsenal waxay u baahan tahay in Man City ay barbarro gasho amaba laga badiyo hal kulan, haddii ay barbarro noqdaan waxa ay Gunners ku dhaafi doontaa farqiga goolasha, laakiin iima muuqato in ay barbarro geli doonaan.
“Waxa aan rajaynayaa in Arsenal ay garaacdo Man United oo wali ay ciyaarteedu tahay mid adag, kaddibna aynu aragno waxa dhaca maalinta ugu dambaysa. Waxyaabo layaableh oo lama filaan ah ayaa dhici karaya marka uu cadaadiskaasi jiro.”