England ayaa ku bilaabatay waayihii Lee Carsley guul raaxo leh oo 2-0 ah oo ay ka gaareen Republic of Ireland kulan ka tirsana League Nations.
Iska horimaadkan oo ahaa mid xamaasad leh oo ka dhacay garoonka Aviva Stadium ayaa waxaa isaga horyimid laba ka mid ah xulalka ay martida u ahaayeen, iyadoo saddexda libaax ay ku soo baxeen kaalinta koowaad.
Carsley ayaa laga soo dalacsiiyay 21 jirada oo tababare u ahaa si uu u noqdo maamulaha ku meel gaadhka ah ee xulka ka dib markii Gareth Southgate uu iska casilay xilka ka dib markii uu qalbi jab ka qaaday Euro 2024.
Jack Grealish iyo Declan Rice labaduba waxay taariikh la leeyihiin xulka Ireland, maadaama ay labadooduba matalayeen Republic of Ireland heerkii dhalinyarada ka hor inta aysan u bedelin England.
Labada nin ayaa dhaliyay labadii gool ee kulanka , iyagoo u gacan galiyay Carsely guushii ugu horeysay ee uu xulka la gaaro.
Hadaba seddex waxyaabood ayaan ka baranay kulankan.
Doorka Cusub ee Jack Grealish.
Grealish waxa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda nasiib darada ah ee seegay kooxdii ugu dambaysay ee Southgate ee Euro 2024.
Xiddiga Manchester City ayaa niyad jab ka dareemay ka reebistiisa tartanka xagaaga, laakiin dib ugu soo laabashadiisa xulka ayaa u dhacday sidii uu filayay.
Iyadoo Anthony Gordon uu qabsaday garabka bidix, booska dabiiciga ah ee 28-jirka, waxaa la siiyay door dhexe oo dheeri ah, wuxuuna fursad u helay inuu ka ciyaaro booska lambarka 10aad.
Kartida in kubada horay loo qaado oo loo ciyaaro baas fudud waxay la macno tahay inuu ku fiican yahay booska lambarka 10aad.
Trent Alexander-Arnold wuxuu noqon doonaa fure.
Mid ka mid ah qodobbada ugu weyn ee laga hadlo ee tababarihii hore ayaa ahaa, maxaad ku sameyneysaa Trent Alexander-Arnold? Southgate waxa uu inta badan ka door biday doorashada difaaca ee Kyle Walker oo dhanka midig ah.
Waxaa jiray tijaabooyin lagu sameeyay kubad sameeyaha Liverpool ee doorka khadka dhexe, oo ay ku jiraan labadii kulan ee furitaanka Euro 2024.
Balse wuxuu helay booskiisa ay tahay inuu ka ciyaaro ee daafaca buuxa.
Fikirka Horusocodka leh ee Carsley.
Waxaa jiray dhaleecayn badan oo ku saabsan habka saxda ah ee Southgate uu u dejiyay kooxda aadka u fiican ee England mararka qaarkood.
Laakin waxaad mooda in aad loola dhacay hab maamulka Carsley, kaaso xulasho fiican sameeyay marka loo eego Southgate.