Qandaraaska Marcelo oo ay Fluminense joojisay kaddib muran ka dhacay garoonka oo uu la galay tababare Mano Menezes.Daafaacii hore ee Brazil iyo Real Madrid ayaa sababay in Fluminese laga diro.
Xiddigii Real Madrid Marcelo ayaa laga joojiyay qandaraaskiisa kooxda Fluminense labo bilood ka hor muddadii la filayay, maalin kaddib markii difaaca uu muran garoonka ka dhacay la galay tababare Mano Menezes.
Menezes wuxuu qorsheeyay in 36-jirka uu ciyaarsiiyo daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta Fluminense iyo Gremio ee horyaalka Brazil Jimcihii, balse difaaca ayaa u muuqday inuu diiday awaamiirta tababaraha, taasoo keentay in Menezes uu beddelo go’aankiisa oo uu ciyaarsiiyo weeraryahanka John Kennedy halkii uu ka beddeli lahaa Marcelo.
“Waxaan damacsanaa inaan Marcelo ciyaarsiiyo wakhtigaas, balse waxaan maqlay wax aanan jeclaysan, sidaas darteed waxaan go’aansaday inaan beddelo fikirkeyga,” ayuu Menezes ka sheegay shirkii jaraa’id ee ciyaarta kadib.
Fluminense waxay hadda ku jirtaa kaalinta 12-aad ee horyaalka Brazil iyada oo leh 37 dhibcood kaddib 32 kulan.