Madaxweynaha Atletico Madrid, Enrique Cerezo, ayaa si adag ugu jawaabay goolhayaha Real Madrid, Thibaut Courtois, isagoo u sheegay xiddigii hore ee Chelsea inuu afka isku qabto.
Cerezo ayaa ka jawaabayay hadal ka soo yeeray goolhayaha reer Belgium, kaasoo dhaleeceeyay sida Atletico Madrid uga falcelisay go’aankii muranka dhaliyay ee VAR intii lagu jiray wareegii 16-aad ee Champions League ee ay la ciyaarayeen Real Madrid.
Kooxaha reer Madrid ayaa ku kulmay wareegga 16-aad, iyadoo Los Blancos ay u gudubtay wareegga xiga ka dib markii ay rigoorayaal ku garaaceen Atletico, kaddib barbardhac 2-2 ah guud ahaan labada lugood.
Xaaladdii ugu muranka badnayd ee ciyaarta ayaa timid intii lagu jiray rigoorada, markii la laalay rigoore uu Julian Alvarez dhaliyay.
Weeraryahanka xulka Argentina ayaa lagu eedeeyay inuu si khafiif ah kubadda lugta ugu riixay ka hor inta uusan lugta kale ku laadin.
Go’aankaas ayaa ka careysiiyay ciyaartoyda iyo shaqaalaha Atletico, balse Courtois wuxuu hoos u dhigay cabashadooda, isagoo yiri: “Waan ka daalnay in mar walba ay iska dhigaan dhibanayaal oo ay ooyaan.”
Cerezo, oo hadalkaas ka xumaaday, ayaa si adag ugu jawaabay Courtois.
Madaxweynaha Atletico ayaa yiri (via Tribal Football):
“Courtois waa inuu aamusaa. Wuxuu u baahan yahay inuu uga mahadceliyo waqtigiisii uu la joogay Atletico Madrid. Waa inuu u dhaqmaa sida uu noola dhaqmi jiray – inuu noqdo nin sharaf leh.”
Courtois wuxuu Atletico Madrid kula soo qaatay saddex xilli ciyaareed isagoo amaah uga yimid Chelsea.
Isagoo ka hadlaya dhacdadii rigoorada, Cerezo wuxuu intaas ku daray:
“Ma jecli VAR, mana ahan wax aan hadda leeyahay; mar walba waan lahaa. Ma dhaleeceynayo VAR qaladkii dhacay darteed, sababtoo ah ma ahan qaladka garsooraha, waa qaladka VAR.
“Ma garanayo meesha ay ka arkeen in kubaddu laba jeer taabatay lugta ciyaaryahanka.