Tababaraha RB Leipzig, Marco Rose, ayaa dhaleeceeyay kooxdiisa kaddib guuldaradii ay kala kulmeen Liverpool kulankii Champions League ee Arbacadii.
Liverpool ayaa ku guuleystay 1-0 ciyaarta, iyadoo gool uu Darwin Nunez dhaliyay qeybtii hore ay ka caawisay Reds inay sii wataan guulahooda tartanka. Dhanka kale, Leipzig ayaa guuldarro la kulantay markoodii saddexaad oo xiriir ah tartankan, iyagoo awoodi waayay inay ka faa’iideystaan fursado badan oo ay heleen ciyaarta dhammaadkeeda.
Marco Rose wuxuu sheegay in kooxdiisu aysan si fiican u maamulin ciyaarta. “Waxaa nalka dhaliyay gool fursadii ugu horreysay ee Liverpool. Intaas kadib, waxaa nasoo maray dhowr xaaladood oo dhib badan, laakiin taas anaga ayaa isku horseednay.”
“Waxaanan jeclaysan sida Liverpool daafaca nooga xiratay. Waxaan ciyaarta ku bilownay si fiican, balse kubado badan ayaan si fudud u luminay, taasoo Liverpool u sahashay inay si fudud noo xakameeyaan.”
Rose ayaa sheegay in kooxdiisu aysan ka faa’iideysan laba gool oo laga diiday iyo fursad weyn oo uu lumiyay Sesko. Wuxuu ku daray in heerkaas ciyaarta ay tahay inaad ka faa’iideysato fursadaha yar ee aad hesho.
Isla aragtidan waxaa la qabey goolhayihii hore ee Liverpool, Peter Gulacsi, kaasoo sameeyay badbaadooyin badan markii Liverpool ay weeraro xooggan soo qaaday.