Xiddiga reer Uruguay ee Federico Valverde ayaa shaaciyey in la gaadhay waqtigii uu beddeli lahaa lambarka uu aadka u jecel yahay ee No.15 oo uu xidhnaa tan iyo markii uu ka mid noqday kooxda koowaad ee Real Madrid.
Federico Valverde oo ka mid ahaa xiddigihii Real Madrid u qaaday koobka Champions League ee ay xalay finalkiisa 2-0 ku garaaceen Borussia Dortmund ayaa waxa uu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey ee uu xidhan yahay No.15, waxaana uu uga wareegayaa No.8 oo uu uga dhaxlayo Toni Kroos oo xalay ka fadhiistay ciyaaraha.
Laacibkan oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi: “Lambarkaygu aad ayuu u wanaagsan yahay, xaaskaygu waxay igu tidhi qof walba waxa uu dalban doonaa inuu xidho lambarkaaga, waana lambarkii aan kusoo bilaabay riyadayda iyo waqtigayga Real Madrid, laakiin dhawr bilood kaddib waan beddelayaa, waxaana waqtiga lambarkani uu iigu soo dhamaaday si aad u wanaagsan.”
Federico Valverde iyo Aurelien Tchouameni ayaa labadaba uu hunguri kaga jiray lambarkan, balse waqtiga dheer ee uu Federico Valverde joogay kooxda ayaa siiyey mudnaanta, sidaas daraadeedna waxa uu xilli-ciyaareedka dambe iyo kulamada saaxiibtinimo ee ka horreeyaba uu garoomada kusoo laaban doonaa isaga oo xidhan No.8.