Waxaa soo wada baxay 8 Xul oo ay ku jiraan xulalka loo saadalinaya Sanadkan inay qaadi doonan koobkan.
Waxyaabaha ugu yaabka badan ayaa ah inay qasab tahay in midkood uu 8da ku harro Spain ama Germanay oo ka mid ah xulalka loo saadalinayo tartankan.
Sidoo kale waa qasab in midkood uu 8da ku harro France ama Portugal oo iyagana ka mid ah xulalka tarttanka ugu cad cad.
Xulka Ingiriiska ayaa heysta fursad weyn oo uu ku tago Afar Dhamaadka waa hadii ay soo dhaafan Switzerland Maadama Ka dhib yaryihiin xulalka kale.
Haddaba waxaynu eegi doona waddooyinkii ay soo mareen xulalka imika jooga 8 dhamaadka.
WAREEGA 8DA EE EURO 2024
Spain vs Germany (Stuttgart, 5July)
Portugal vs France (Hamburg, 5 July)
England vs Switzerland (Düsseldorf, 6 July )
Netherlands vs Türkiye (Berlin, 6 July)
ENGLAND
England ayaan ku jirin qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa
Waxayna Group C kaga soo baxeen qaab Liidata laakiin kaalinta 1aad ayee kusoo baxeen iyaga oo aan wali laga badin.Waa lawada arkay waxa ay tari karaan weeraryahannada sida Jude Bellingham, Harry Kane iyo Phil Foden dhammaan afartii kulan.
Goolkii islaabka ahaa Bellingham ayaa ku qasabtay in waqti dheeri ah lagu daro wareega 16-ka ee ay ka badiyeen Slovakia ka hor inta uusan Kane madax ku dhalin goolka guusha, laakiin tababare Gareth Southgate ayaa ogaan doona in ciyaartoydiisa ugu fiican ay u baahan yihiin inay si joogta ah u soo bandhigaan qaab ciyaareedkooda fiican haddii ay doonayaan inay tagaan finalka.
Ka dib markii uu gaaray finalka EURO iyo sidoo kale afar dhammaadka Koobka Adduunka iyo semi-finalka seddexda tartan ee waaweyn ee uu maamulay, Southgate ayaa quus ka istaagi doona inuu markii afaraad nasiib yeesho, waa hadii qaab ciyaareed liita ay soo bandhigan.
Daaficii hore ee seddexda libaax ayaa isku dayi doona inuu sida ugu wanagsan uga faa’ideysto tayada ciyaartooy baaxada leh ee uu heysto.
England waxaa laga yaabaa inay heystaan dookhyo badan oo weerar ah, laakiin kan isha lagu haayo waa kabtankooda.
Kane oo ah gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda dalkiisa, ayaa horay u diiwaan gashtay labo gool tartanka EURO.
Dhamaystirka dilaaga ah, ciyaar isku xidhka adag, Kane waxa uu madax xanuun u keeni karaa difaac kasta.
SWITZERLAND
Seddexdii kulan ee ay ciyaareen ee Group-ka oo aan laga badinin, Switzerland ayaa ilaa hadda wacdaro ka dhigtay tartanka ka dib markii ay si cajiib ah uga badiyeen xulka difaacanaya koobka ee Italy wareega 16ka.
Ka dib markii ay ka adkaadeen Azzurri, Switzerland cidna kama cabsan doonto, waxaana laga yaabaa inay bilaabaan inay ku riyoodaan horyaal caalami ah oo markii ugu horeysay abid ah.
Murat yakin macalinka xulka Switzerland 49-sano jirkaan ayaa hogaanka xulkan ku sugnaa tan iyo xagaagii 2021, waxaana uu haatan ku hogaamiyay wareega 8da ee tartanka EURO, iyadoo Switzerland ay gaartay wareega 16-ka markii lixaad oo xiriir ah.
Ka dib markii ay soo bandhigeen xeelado taxane ah, wiilasha Yakin waxay u muuqdaan kuwo isku kalsoon, waxayna qarka u saaran yihiin inay mar kale taariikh sameeyaan.
Ciyaaryahanka ugu safashada badan Switzerland Granit Xhaka ayaa tartankan ku soo galay kalsooni cirka isku shareertay, isagoo qayb muhiim ah ka ahaa xilli ciyaareedkii cajiibka ahaa ee Leverkusen.
Kabtanka iyo halyeyga khadka dhexe waxa uu si joogto ah u muujiyay tayadiisa hoggaamineed iyo maskax bir ah,
ku guuleysiga abaal marinta Man of the Match laba jeer heerka group-yada.
Booska uu ku leeyahay wadnaha khadka dhexe ayaa ka caawiya saaxiibadiisa kooxda inay ku saxaan laxanka saxda ah.
Xulka Switzerland ayaa u soo baxay wareega 8-da ee tartanka EURO markiisii 6aad oo xiriir ah, waxayna ku jiraan heerkii ugu fiicnaa abid ee tartankan tan iyo sanadkii 2016-kii.
GERMANY
Xulka martida loo yahay ayaa ku bilaabatay si qurux badan iyaga oo ka farxiyay jamaahiirta Munich kadib markii ay 5-1 kaga badiyeen Scotland furitaankii tartanka.
Guul aad u adag oo ay ka gaareen Hungary ayaa ku xigtay inkastoo ay guuldarro ka soo gaari lahayd Switzerland ciyaartii ugu dambeysay ee Group A ee Frankfurt ka dhacday, haddana waqtigii dhimashada Niclas Füllkrug ayaa barbardhac ku hubsaday wiilasha Julian Nagelsmann inay hogaanka u hayaan qaybtooda isla markaana aan laga badin iyagoo u gudbay wareega 16ka. Waxay ku arkeen Danmark oo ay dhegaha ka garaaceen.
Weeraryahan Jamal Musiala ayaa si gaar ah wacdaro dhigay, isagoo dhaliyay seddex gool afartii kulan ee uu saftay.
Jarmalka ayaa ka soo muuqanaya markii 14-aad ee tartanka EURO.
Waxayna wareega 8da wajahayan xulka Spain.
SPAIN
La Roja ayaa ku bilaabatay Euro-gan qaab ciyaareed wanaagsan, iyagoo badiyay dhammaan afartii kulan ee ay ciyaareen, waxaana ay dhaliyeen sagaal gool.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Lamine Yamal ayaa taariikh sameeyay isagoo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa taariikhda EURO kulankii Croatia, halka weeraryahanka Álvaro Morata uu haatan yahay gooldhaliyaha seddexaad ee ugu sareeya guud ahaan tartanka ka dib markii uu diiwaan geliyay goolkiisii 7aad.
Spain ayaa noqon doonta xulkii ugu horeeyay ee ku guulaysta afar koob oo EURO hadii ay kani ay qaadan.
Spain waa xulka kaliya ee ku guuleystay seddex koob oo qaaradaha iyo adduunka ah oo isku xigta: EURO 2008, Koobka Adduunka 2010 iyo EURO 2012.
PORTUGAL
Portugal ayaa isha ku haaysa inay sameeyan markale sidii 2016kii oo ay qaaden Euro.
Kulamadii Group-yada keliya hal kulan ayaa laga badiyay Portugal.
Wareega 16ka waxay rigoorayak kusoo dhaafen xulka Slovenia.
Cristiano Ronaldo ayaan wali furin akoonkiisa tartanka isaga oo isku dayaya in uu gool uu dhaliyo.
FRANCE
France ayaa ku guuldareysatay inay kusoo baxaan kaalinta 1aad ee guruubkooda markii ugu horeysay tan iyo EURO 2012, ka dib markii ay dagaal la kulmeen.
Keliya Austria ayuu ka badiyay oo waxay barbaro la galeen Netherlands iyo Poland.
Si kastaba ha ahaatee, weli waa guuldarro la’aan, Kylian Mbappé ayaa rigoore helay kulankii ugu dambeeyay ee Group D ka hor inta aysan dhaafin Belgium wareega 16ka.
Didier Deschamps waxa uu higsanayaa inuu dalkiisa la gaaro finalkii lixaad , isagoo ciyaaryahan iyo tababare ah.
Sidoo kale waxaa is arkaya
Netherlands vs Turkey