Runtii ma ahayn in Lionel Messi lala barbardhigo 17 jir indhaha caalamku ay kor saaran yihiin.
Laakin is bar bardhiga ayeenu sameeyn doona sababtoo ah waa shaqadeena.
Lamine Yamal runtii wuxuu yahay beddelka carshiga Messi ee Barcelona.
Dabcan, wuxuu si fiican u yaqaan buunbuuninta.
Lionel Messi waa Laacib heysta 8 Ballon d’Or In Yamal lala simo waa yaab.
Ansu Fati wuxuu ku hanjabay inuu buuxin doono booska, xitaa wuxuu qaatay lambarka 10aad ee Leo markii uu Argentinesku ku biiray Paris , laakiin Fati wuxuu ka ciyaaraa bidix, dhaawacyo ayaa carqaladeeyay horumarkiisa, taasoo keentay in amaah lagu iloobo.
Bojan, Deulofeu, Iturbe iyo Muniain Midkoodna ma bedeli karin Messi.
Waxay u badan tahay in rikoorkiisa gooldhalinta Barcelona aan waligiis la jabin doonin.
Macquul maaha, inkastoo uu Yamal noqon karo mid ka mid ah.
Labada ciyaaryahan ee Messi iyo Yamal ayaa ka ciyaara garabka midig, labadoodaba waa lug-bidix oo jecel inay gambiyaan, labaduba waa wax soo saarka La Masia, waxayna labaduba ku soo bilowdeen da’yar.
Yamal dhab ahaantii waxa uu leeyahay xoogaa bilow ah.
Markii Messi uu ahaa 17 jir, Yamal da’da hadda wuxuu u ciyaaray kaliya sagaal kulan Barca, isagoo dhaliyay hal gool.
Yamal ayaa horay u ciyaaray xilli ciyaareed buuxa, wuxuu ciyaaray 50 kulan wuxuuna dhaliyay todobo gool, waxaana uu hadda noqday 17 jir.
Xilli ciyaareedkii labaad ee Messi ee Barca, oo u dhiganta waxa Yamal uu ku wajahan yahay 2024-25.
Argentine-ka ayaa saftay 25 kulan, wuxuna dhaliyay 8 gool.
Yamal si wanaagsan ayaa loogu meeleeynaya inuu dhaafo wadartaas xilli ciyaareedkan.
Leo xilli ciyaareedkiisii seddexaad wuxuu dhaliyay 17 gool, waxaana ku xigtay olole uu dhaliyay 16 gool. Waana xagaagii 2007-08.
Messi ayaa Kadib bilaabay inuu galo dagaal adag.
13-kii xilli ciyaareed marka la eego, Messi waxa uu dhaliyay ugu yaraan 31 gool xilli ciyaareedkii.
Waxa uu dhaliyay 50+ gool lix xilli oo kala duwan.
Hadda, wiilka dahabiga ah ee Spain ayaa fursad heysta.
Si uu heerkaas u gaaro Marka hore, Yamal waa inuu iska ilaaliyaa dhaawacyada joogtada ah
Ansu Fati wuxuu dhibane u noqday is tuur tuuristiisa , waxayna meesha ka saartay shaqadiisa oo dhan.
Messi wuxuu ciyaaray 40+ kulan xilli ciyaareed kasta, wax dhaawacyo waa weyn lama kulmin.
Hal dhaawac oo halis ah ayaa baabi’in kara fursadaha Yamal ee ah inuu dhaafo rikoorka Messi.