Waxay u egtahay in cadaadiska uu mar horeba ku sii socdo Pep Guardiola ka dib markii Man City ay si liidata ku bilaabatay safarkooda xilli ciyaareedka ka horeeya ee America.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa wajaheysa Barcelona caawa ka dib guuldarro 3-2 ah oo ka soo gaartay AC Milan iyo guuldarro kale 4-3 ah oo ka soo gaartay Celtic.
Iyadoo aan loo eegin in ciyaaraha xilli-ciyaareedka inay muhiim yihiin marka laga reebo in ciyaartoydu ay daqiiqado ku helaan lugaha oo ay dhisaan taam ahaanshahooda ciyaarta, heerarka waxqabadka ayaa weli u baahan in la ilaaliyo.
Waxaa intaa dheer, waxaa jira suuqa kala iibsiga oo laga fekerayo in kooxuhu ay doonayaan inay helaan heshiisyo iyo ciyaartoy cusub.
Isla sidaas oo kale ayaa khuseysa ciyaartoyda laga yaabo inay rabaan inay dhaqaaqaan, waxaana jiray warar xan ah oo ku saabsan mustaqbalka Julian Alvarez.
Pep ayaa qashinka ku daray wararka sheegaya in weeraryahanka uu ka baxayo kooxda.
Laacibka ayaa haatan ciyqaraya ciyaaraha Olombikada ee xulka Argentina, waxaana hadaladiisii ay si cad u taabten dareenkii Pep Guardiola.
“Waxaan akhriyay inuu ka fikiri doono (u dhaqaaqi doono meel kale),” Pep ayaa sidaasi yidhi.
“Hagaag, ka fakar… ka dib wuxuu nagu wargelin doonaa waxa uu rabo inuu sameeyo.
Julian wax badan ayuu ciyaaray. Wax badan buu rabaa? Way fiicantahay Markaa inuu fakiro…
Wuu fakiri doona kadibna wuu nasoo wargelin doonaa.”
Haddii, oo ay hubaal tahay inay City aqbasho dhaqdhaqaaq kasta oo 24 jirkan ah, Koox kasta oo danaynaysa adeegisa waxay u badan tahay inay bixiso dollarka ugu sareeya si ay u hesho.