Manchester City ayaa fursad u heleysa inay iska xawisho xiddiga 100ka milyan ginni ku fadhiya ee Jack Grealish iyadoo Bayern Munich ay dooneyso laacibka Ingariiska marka kabtankii hore ee Man City Vincent Kompany uu la wareego shaqada tababare ee Bayern. (The Sun)
Newcastle ayaa ku dhawaad 200 milyan ginni ku dooneysa weeraryaahnka 24 jirka reer Sweden Alexander Isak kaasoo lala xiriiriyay kooxda Arsenal. (Daily Mirror)
Thomas Tuchel oo xor noqonaya ka dib marka uu ka tago Bayern Munich ayaa u sharaxan shaqada Manchester United haddii United ay ceyriso Erik ten Hag ka dib finalka FA Cup. (Guardian)
Bayern Munich ayaa sidoo kale isha la raaceysa 29ka daafaca dhexe ee Manchester City John Stones (Football Insider)
Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaan wadada ka hor joogsan doonin goolhaye Ederson haddii 30 jirka reer Brazil uu doonayo inuu u wareego horyaalka Sacuudiga. (90 Min)
Burnley ayaa ka dooneysa Bayern Munich 17 milyan ginni oo magdhow ah haddii la wareegayaan tababarahooda Vincent Kompany. (Sky Sport Germany)
Liverpool ayaa dareenkooda u weeciyay xiddiga reer Holland ee kooxda Leeds Crysencio Summerville oo 22 sanno jir ah ka dib markii ay ka jeesteen xiddiga Newcastle Anthony Gordon. (90 Min)
Manchester United ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Faransiiska ee kooxda Crystal Palace Michael Olise oo 22 sanno jir ah. (Football Transfers)
Aston Villa ayaa ka fiirsaneysa inay kansasho qandaraaska 31 jirka reer Brazil ee khadka dhexe Philippe Coutinho. (Givemesport)
Ajax iyo Feyenoord ayaa xiiseynaya xiddiga Chelsea ee garabka ka ciyaara Omari Hutchinson oo 22 sanno jir ah kaasoo amaah ku joogay Ipswich xilli ciyaareedkii la soo dhaafay. (Football London)