Liverpool ayaa ku dhow inay soo xerogeliso tababare Arne Slot iyagoo ka shaqeynaya inay hishiis la gaaraan kooxda Feyenoord si uu u noqdo tababarahooda xiga.
Madaxda Anfield ayaa la xiriiray kooxda reer Holland shalay oo Arbaco aheyd iyagoo u gudbiyay dalabkooda ugu horeeya ee lacagta magdhowga ee 49 jirkaan, kaasoo aan la aheyn lacag lagu burburin karo qandaraaskiisa.
Waxaa la filayaa in Liverpool ay uga bixi doonto in ka badan 10 milyan ginni inay ku soo xerogeliso Arne Slot, kaasoo horay u keensado shaqaalihiisa tababarka oo uu ku jiro caawiyihiisa Sipke Hulshoff.
Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in wadahadalada ay yihiin kuwa horumar degdeg ah laga sameynayo, iyadoo ay xitaa macquul tahay in hishiiska la dhameystiro maalmaha Sabtida ama Axada.
Andre Slot ayaa lama filaan ah u noqday tababaraha ugu cadcad inuu bedelo Jurgen Klopp iyadoo xilli ciyaareedka kooxda uu ka harsan yahay kaliya afar kulan.
Slot oo diirada u saarnaa Tottenham iyo Chelsea xagaagii la soo dhaafay ayaa guulo waa weyn la gaaray kooxda Feyenoord tan iyo markii uu ku biiray 2021kii, isagoo durba noqday mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican qaarada Yurub.
Waxa uu dhawaan ku hogaamiyay kooxda Feyenoord koobka KNVB Cip, waa koobkiisii labaad ee uu kooxda la qaado ka dib markii uu horyaalka ku hogaamiyay 12 bilood ka hor.
Guulaha uu la gaaray kooxda reer Holland ayaana keentay in loo arko bedelka saxda ah ee Jurgen Klopp. Reds ayaana haatan dooneysa inay soo xerogeliso 45 jirkaan.
Waxaa xusid mudan in shirkii jaraa’id ee Arne Slot ee ka hor kulanka Feyenoord ay la ciyaareyuso caawa kooxda Go Ahead Eagles la kansalay, lamana sheegin sababta.