Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Muaricio Pochettino ayaa ogaaday waqtiga ay maamulka kooxdu go’aabka ka gaadhi doonaan inay shaqada ka caydhiyaan, waxaana uu hadda kaliya diiradda saarayaa saddex ciyaarood oo u hadhsan kooxdiisa ka hor inta aanu dhamaanin xilli-ciyaareedku.
Macallinkan hore ee Tottenham ayaa yimid Stamford Bridge xagaagii hore, laakiin waxa uu soo maray waqti adag iyadoo kooxdiisu xilli-ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ka maqnaanaysa tartanka Champions League.
Blues oo tagtay finalka Carabao Cup oo ay Liverpool ku garaacday, sidoo kalena semi-finalka FA Cup ay Manchester City kusoo reebtay ayaa waxa ay tallaabooyin u jirtaa inay xaqiijisato inay usoo gudbi karto Europa League xilli-ciyaareedka dambe.
Muaricio Pochettino oo qandaraaskiisa Chelsea uu soconayo illaa sannadka 2025 isla markaana haysta sannad kale oo dookh ah oo ay kooxdu ku kordhin karayso, ayaa waxa uu la kulmayaa cadaadis badan, waxaana uu sii eegayaa dhinaca Todd Boehly iyo Behdad Eghbali.
Sida uu qoray wargeyska The Metro, tababare Muaricio Pochettino ayaa waxa uu loo sheegay in mustaqbalkiisa go’aan laga gaadhi doono marka uu dhamaado xilli-ciyaareedku ee kulankooda ugu dambeeya ay dheelaan toddobaadka dambe.