Waxay ahayd waqti dheer oo murug badan, laakiin Erik ten Hag ugu dambeyntii waa laga ceyriyay kursiga kulul ee Manchester United.
Ninka reer Holland ayaa shaqada laga ceyriyay ka dib guuldaradii soo daahday ee West Ham United kasoo gaartay Premier League.
Si guud qaab ciyaareedka iyo natiijooyinka kooxda waxay ahaayeen kuwo hoos u dhac uu ka jiray muddo sanad ka badan.
Halyeeygii hore ee Man Utd Ruud van Nistelrooy ayaa si ku meel gaar ah u sii hayn doona shaqada ka dib markii loo magacaabay ku xigeenka tababare Ten Hag bishii July.
Guuldaradii ku soo gaartay London Stadium ayaa keentay in Man Utd ay u dhacdo kaalinta 14-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League, halka ay sidoo kale saddex barbaro xiriir ah ka heleen bilowga ololahooda Europa League.
Ilaa intee ayuu Van Nistelrooy wadi karaa shaqada Old Trafford, iyada oo la isla dhexmarayo in loo magcaabi karo beddelka joogtada ah ee Ten Hag.
Tababarihii hore ee PSV Eindhoven ayaa fursad u haysta in kalsooni ka helo maamulka Man Utd, iyadoo kulamo muhiim ah ay kusoo socdaan Red Devils.
Haddana waa kuwan lixda kulan ee ku soo socota Man Utd tartamada oo dhan ee loo baahan yahay inuu natiijo ka keeno tababaraa kumeel gaar ah ee Nestelrooy.
Manchester United vs Leicester City – Carabao Cup
Manchester United vs Chelsea – Premier League
Manchester United vs PAOK – Europa League
Manchester United vs Leicester City – Premier League
Ipswich Town vs Manchester United – Premier League
Manchester United vs Bodo/Glimt – Europa League