Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa ka hadlay qaadacaada Real Madrid ee xaflada Ballon d’Or habeenkii xalay.
Naadiga La Liga ayaa kansashay dhammaan wafdi wakiillo ah oo ay u diri lahayd Paris oo ay ka dhaceysay xafladda abaalmarinta Ballon d’Or
Maqnanshahooda ayaa yimid kadib markii lagu wargeliyay in Rodri uu ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or.
Guusha uu gaaray ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City iyo Spain ayaa naxdin weyn ku noqotay kooxda Real Madrid, kuwaasoo filayay in Vinicius Jr uu ku guuleysan doono abaalmarinta.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan xubnaha wafdiga Real Madrid ee ka qeyb gali lahaa xafladii Paris ayaa la kansalay, qofna kuma matalin kooxda abaalmarintii kooxda sannadka ee ragga, tababaraha sannadka oo uu Carlo Ancelotti ku guuleystay iyo Gerd Muller Trophy oo la siiyay Kylian Mbappe.
Guardiola ayaa ka hadlayay in Real Madrid inay gabi ahaanba imaan xaflada Ballon d’Or, isla markaana aysan u hambalyeynin Rodri oo ku guuleystay abaalmarinta.
Pep Guardiola ayaa u sheegay warbaahinta goordhaw, “waxaan u maleynaa in ay aheyd wax fiican in ay goobta yimaadaan oo ay marxabeeyaan Rodri,
Guardiola oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu soo hadal qaaday waaya aragnimada Manchester City ay ka heshay abaalmarintii Ballon d’Or sanadkii 2023, isaga yiri “Anaga, xilli ciyaareedkii hore, tusaale ahaan Erling Haaland waxa uu ku guulaystay Treble, in ka badan 50 gool ayuu dhaliyay, waxaanan ku iri. waxaad ku guuleysan doontaa abaalmarinta xiddiga sanadka lama siin mana ka maqnaan xaflada.
Haddii Vinicius Jr uu u noqon lahaa kan ku guulaysta abaal marinta, sida ay aaminsanaayeen asxaabtiisa Real Madrid waan u hambalyey lahaa isaga, Guardiola ayaa yiri, “Vinicius ma ahayd inuu ku guuleysto? Malaha wuu u qalmay, laakiin ma aysan dhacin.