Kabtanka Argentina ayaa ka hadlay xusuustiisa ciyaartii xiisaha badneyd ee Holland kaga badiyeen rigooreyaal koobkii adduunka Qatar 2022.
17 jaale ayaa la bixiyay habeenkaas ayuu sheekada bilaabay Messi, mid kamid ah aniga ayaa qaatay.
Laacibka ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa ka qoomameeyay hadaladii uu habeenkaas ku yiri tababaraha iyo ciyaartoyda Netherlands, intii lagu jiray kulankii wareega 8da koobkii dunida ee Qatar.
Markii Messi uu gool ka dhaliyay ciyaarta, waxa uu hor istaagay macalinka reer Holland Louis van Gaal, isagoo labada gacmood dhegaha saartay. Ciyaarta ka dibna wuxuu aflagaadeeyay weeraryahan lagu magcaabo Weghorst, kaasoo labo gool dhaliyay habeenkaas.
Ma jecli inaan dib u xusuusto wixii aan sameeyay, ma jecli waxa dhacay inaan dib u daawado,” Messi ayaa yiri.
“Wuxuui ahaa waqti xanuun badan, neerfo badan. Aad bay iigu xun tahay aniga, dadku waxay uga falceliyaan si dareen leh, ma aheyn wax la qorsheeyay balse waa cajiib dareenka kubadda cagta mararka qaar.
Kulanka oo ahaa Quarter-final, waxaa hareereeyay muran. Kadib markii Van Gaal sheegay in ciyaartoydiisa ay si fiican ugu diyaar garoobeen rigoorayaasha marka la barbardhigo kuwa Argentina.
Waxa uu sidoo kale yiri “Messi ma uusan taaban kubada ciyaartii semi-finalka Koobka Adduunka ee 2014.
Messi ayaa sheegay in asxaabtiisa ay u sharaxeen hadalada uu Van Gaal kula hadlay ciyaartooydiisa si ay u dhiiradaan.
Kadib waxaa xigay dagaalkii uu ku qaaday Weghorst, Messi wuxuu sheegay inay ahayd wax xun sida uu u dhaqmay” Messi ayaa ku dhahay weeraryahanka reer Holland “Maxaad eegaysaa nacas yahow? Orod ka tag meesha.”
Tan iyo maalintaas, wax walba way is beddeleen,” ayuu yiri Messi “waxaan rajeynaa arimahaas oo kale in aysan dib iigu soo laaban.