Mikel Arteta ayaa digniin u diray Liverpool kahor kulankooda Premier League, isagoo ballan qaaday in Arsenal ay “hawada sare” ku jiri doonto marka la gaaro Axadda.
Inkastoo ay Arsenal ku adkaatay 1-0 kulankii ay la ciyaareen Shakhtar Donetsk ee Champions League,hadana waxaa ka muuqday kooxda Arteta daal ba’an.Arteta wuxuu ku kalsoon yahay in kooxdiisu ay si wacan ugu diyaar garoobi doonto kulanka weyn ee horyaalka. Wuxuu qiray in ciyaartoydu aysan firfircooni muujin qaybta dambe ee ciyaarta sababo la xiriira daal, balse wuxuu rumeysan yahay in ay diyaar noqon doonaan kulanka Liverpool.
Ciyaarta Arsenal ee ka dhanka ahayd Shakhtar waxay ahayd mid fursado badan la lumiyay, iyagoo Gunners hal gool dhaliyay kadib khalad ka yimid goolhayaha Shakhtar. Leandro Trossard ayaa rigoore qasaariyay qaybta dambe ee ciyaarta, taas oo sii adkeysay in Arsenal aysan ciyaarta si buuxda u adkaan. Si kastaba ha ahaatee, Arteta wuxuu carrabka ku adkeeyay in guul la gaaro iyo in shabaqa la ilaaliyo ay muhiimad weyn u lahayd kooxdiisa.
Mar uu ka hadlayay kulanka Liverpool, Arteta wuxuu xusay in daalka ciyaartooyda door weyn ka ciyaaray bandhig xumada kulanka shkhtar, maadaama ciyaartoyda ay kasoo noqdeen waajibaadka xulka iyo jadwalka ciyaaraha oo ciriiri ah.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in kooxdu ay haysato maalmo ku filan si ay u soo kabato. Wuxuu sidoo kale ammaanay qaab ciyaareedka Gabriel Martinelli, isagoo tilmaamay in weeraryahanka reer Brazil uu firfircooni muujiyay kulankii Champion ka, isla markaana uu khatar weyn ku ahaa kooxda ka soo horjeeday.
Inkastoo ay jiraan walaac dhaawacyo iyo caqabado difaac. Riccardo Calafiori ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka halka William Saliba uu ganaaxan ku maqnaan doono. Arteta ayaa weli rajo wanaagsan ka muujiyay kulanka weyn. Wuxuu ku kalsoon yahay in kooxdu ay si buuxda isugu diyaarin doonto kulanka muhiimka ah ee Liverpool Axadda.