Weeraryahanka Paris Saint-Germain, Ousmane Dembélé, ayaa magacaabay kabtanka Inter Miami, Lionel Messi, inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican abid kubadda cagta.
Dembélé ayaa hadalkan ka sheegay kahor lugta labaad ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League oo ay PSG la ciyaarayso Aston Villa Talaadada.
Xiddigan reer France iyo Messi ayaa horey ugu soo wada ciyaaray kooxda Barcelona.
Isagoo la hadlayay saxaafadda kahor kulanka PSG iyo Aston Villa ee ka dhacaya garoonka Villa Park, Dembélé ayaa yiri, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano: “Waxaan jecelahay inaan u ciyaaro kooxda PSG, waa farxad. Kooxdii ugu fiicneyd abid aniga ahaan? Ma hubo, maadaama aan sidoo kale u ciyaaray Barcelona oo uu joogay Messi, kaasoo ah ciyaaryahanka ugu fiican abid.”
Dembélé ayaa xilli ciyaareedkan si wanaagsan ugu ciyaaray PSG.
Wuxuu dhowaan kooxda uu hoggaamiyo Luis Enrique ku hoggaamiyay hanashada horyaalka Faransiiska (Ligue 1).