Halyeyga reer England ee Rio Ferdinand ayaa u qaadan waayey wixii uu xalay sameeyey xiddiga da’da yar ee Manchester United ee Kobbie Mainoo, waxaana uu barbar-dhigay halyey weyn oo kubadda cagta ah oo uu sheegay inuu qaab-ciyaareedkiisii oo kale leeyahay.
Kobbie Mainoo ayaa dhaliyey goolka Manchester United siiyey guusha ciyaartii ay xalay 4-2 kaga soo adkaadeen Wolves oo ay ku booqdeen Molineux Stadium.
Mainoo oo 18 jir ah, ayaa kubadda ka dhax-saaray labada lugood ee difaaca WOlves ee Max Kilman ka hor intii aanu kubbad xeegaysan oo uu soo jaray shabaqa ka sudhin dhinaca fog ee goolka, taas oo markii ay goolhayaha dhaaftay dib ugu soo leexatay dhinaca goolka.
Waa goolkii labaad ee uu Kobbie Mainoo dhaliyo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey waxaana uu shabaqa soo taabtay ciyaartii Newport County ee FA Cup ee horraantii toddobaadkan.
Rio Ferdinand ayaa markii uu daawaday wixii uu sameeyey Kobbie Mainoo waxa uu markiiba ku tilmaamay inuu yahay ‘New Seedorf’ waxaanu yidhi: “Anigu ma odhanayo waxa uu leeyahay awooddiisii ciyaartoygaas oo kale wali laakiin waxa uu leeyahay calaamadisiihii, waxa uu na tusay astaamihii Seedorf.”
Ferdinand ayaa intaas kaddib waxa uu sharraxay astaamaha halyeygii khadka dhexe ee Champions League kula guuleystay Ajax, Milan iyo Real Madrid ee Seedorf, waxaanu yidhi: “Sida uu u dhaqaaqi karayo ayaa ah xaalad adag, iyo sida uu kubadda u jiidanayo, waxa uu isticmaalayaa jidhkiisa oo la shaqaynaya, waxa uu marba si qurux badan ugu wareejinayaa lugihiisa.
“Sidoo kale waa waqtiyo muhiim ah, sida uu kubadda u maamulayo, feejignaantiisa iyo sida uu u helayo meesha bannaan. “
Wa laacib so baxaya lkn waxa cawinaya oo u kuso baxaya casamiro
Wa laacib buxa waqti se u baahan