Pep Guardiola ayaa qirtay inuu san diyaar u aheyn in Manchester City ay la ciyaarto Barcelona xilli ciyaareedkan Champions League.
City, oo ay Real Madrid ka reebtay rubuc-dhamaadka Champions League xilli ciyaareedkii hore, ayaa ku bilaabatay si wanaagsan olohooda cusub ee Yurub iyagoo barbaro la galay Inter halka guul 4-0 ah ka gaartay Slovan Bratislava horraantii bishan.
Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee England ayaa la ciyaari doonta Sparta Prague, Sporting CP, Feyenoord, Juventus, Paris Saint-Germain iyo Club Bruges kulamadooda soo socda ee Yurub ka hor inta aan isku aadka tartanka la sameyn.
Dhanka kale, Barcelona ayaa laga badiyay kulankii furitaanka Champions League ee bishii hore oo ay la ciyaareen Monaco, laakiin waxay guul 5-0 ah ka gaareen Young Boys oo ay ku ciyaareen gurigooda.
Guardiola, oo ka hadlayay barnaamijka talefishinka Talyaaniga ee Che Tempo Che Fa fiidnimadii Axadda, ayaa sheegay inuu doonayo inuu iska ilaaliyo kooxdiisii hore xilli ciyaareedkan sababo la xiriira arrimo kicin kara shucuurtiisa taasoo wax u dhimi karta inuu diiradda saaro guusha kooxdiisa.