Horyaalka Premier League ayaa waqti gaar ah oo aanay kulamo kale jirin u qorsheeyey ciyaarta adag ee kooxaha uu xafiiltanka weyni ka dhexeeyo ee Liverpool iyo Manchester United, taas oo kusoo beegmaysa waqti uu horyaalku marayo marxalad xaasaasi ah.
Kooxda tababare Erik ten Hag ayaa ku jirta jadwal adag, waxaanay toddobaadka soo socda safar ugu tegi doontaa Manchester City oo ku qaabbilaysa Etihad Stadium, taas oo ciyaartooda laga dhigay maalinta Axadda ee March 3.
Kaddib waxay Manchester United isku diyaarind oontaa dhawr ciyaarood oo kale oo adag ka hor inta aanay gaadhin ciyaarta Liverpool oo laga dhigay waqti ka duwan xilliyadii hore ee la dheeli jiray kulanka noocan oo kale ah.
Everton, Sheffield United iyo Brentford ayay Manchester United la ciyaari doontaa, kaddibna maalinta Arbacada ee April 3 ayay waajihi doontaa Chelsea oo ay waliba marti ugu noqon doonta Stamford Bridge, kaddibna dareenkooda oo dhan ayay u jeedin doonaan kulanka Liverpool ee April 7.
Labada kooxood ayaa hore loogu muddeeyey inay ciyaaraan maalinta Sabtida ee April marka ay saacaddu tahay 3.30pm, laakiin Sky Sports oo la siiyey baahinta ciyaartan ayaa waxa uu kulankan u riixay maalinta Axadda ee April 7 marka ay saacadda UK tahay 3.30pm.