Bayern Munich ayaa ciyaartoydeedu ay u safreen magaalada London iyadoo aanay la soconin wax taageereyaal ah, kaddib markii ay UEFA ka mamnuucday in jamaahiirta kooxda reer Germany ay daawadaan ciyaarta Arsenal ay martida ugu yihiin Emirates Stadium.
Aersenal ayaa haysata faa’iido weyn oo ah in garoonka ay kaliya joogayaan taageereyaashooda oo dhegaha kaga qaylin doona ciyaartoyda Bayern Munich oo noqon doona kuwo aan miciin iyo garab ku haysanin ciyaarta habeen dambe.
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa guddisiisa anshaxu uu ku ciqaabtay Bayern Munich in ay taageereyaal la’aan ku ciyaarto kulanka lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League ee Arsenal, sababtoo ah waxa ay jamaahiirta kooxdaasi shideen waxyaabo ololaya kulankii Lazio ay 3-1 kaga adkaadeen wareeggii 16ka oo lugtii labaad ay ku garaaceen Allianz Arena.
UEFA waxa kale oo ay ku xukuntay Bayern Munich in ay bixiyaan lacag ganaax ah oo dhan £34,000 Gini bishii October markii ay taageereyaashoodu sidan oo kale u shideen waxyaabo ololaya ciyaartii FC Copenhagen.
Bayern Munich oo ah kooxda dhibaatada ugu badan u geysata Arsenal oo markii iskugu dambaysay ku karbaashtay 10-2 isku-darka labadii lugood oo ahayd wareegga 16ka sannadkii 2017, ayaa waxa cadaadis badan ku noqon doona taageereyaal la’aanta, halka kuwa Arsenal ay garoonka soo camirayaan.