Lionel Messi ayaa kursiga keydka la dhigay kulankii Inter Miami ay barbaro 2-2 la galeen Atlanta United, iyadoo go’aankaas uu sharaxay ku xigeenka tababaraha Javier Morales.
Xiddiga reer Argentine ayaa maqnaa seddex bilood kadib dhaawac nasiib darro ah oo ka soo gaaray finalkii Copa America 2024.
Wax khatar ah looma gelin taam ahaanshihiisa markii uu ka soo kabanayay dhibaatada canqowga.
Messi ayaa ku soo laabtay kooxdii Miami ee ay 3-1 kaga badiyeen Philadelphia Union isagoo dhaliyay labo gool iyo caawinaad.
37-sano jirkaan ayaa la soo geliyay daqiiqadii 61-aad, isagoo bedelay xiddiga Julian Gressel.
Inter Miami ayaa laba jeer hogaanka u qabatay kulankii Atlanta, waxaana u kala dhaliyay David Ruiz iyo Leonardo Campana, laakiin waxay ku qasbanaadeen in laga barbareeyo oo dhibacaha lala qeybsado.
Si kastaba Messi waxaa la xaqiijiyay in taatiko loo fadhiisiiyay keeydka oo aana jirin wax dhaawac ah.