Jamaahiirta Liverpool iyo Manchester City waxay u baahnaan doonaan inay hubiyaan saacadahooda marka uu Premier League xaqiijiyo waqtiyada kulamadooda, sababtoo ah waxa ciyaartooda maanta laga dhigay xilli ka duwan waqtiga la ciyaaro horyaalka Premeir League.
Axadda maanta waxa ay kubadda cagta Ingiriiska u tahay maalin weyn oo ay kala baxayaan kooxo loo saadaalinayo horyaalka oo isku-marnaa in muddo ah, isla markaana ay loollanka ku wehelinayso Arsenal oo xalay lasii wareegtay hoggaanka.
Inta badan horyaalka Premier League waxa ay kulamadoodu bilaabmaan iyadoo saacaddu buuxdo amaba ay dhaaftay 30 daqiiqadood, laakiin lama arko waqtiga maanta la jideeyey ee ciyaarta Liverpool vs Man City.
Premier League ayaa waxa uu go’aamiyey in ciyaarta Liverpool vs Man City ee Anfield ay bilaabanto 3:45pm waqtiga UK oo u dhiganta 6:45pm waqtiga Geeska Afrika, waxaanay sidaas ku noqotay kulan loo jabiyey waqtigii hore looga bartay ciyaaraha Ingiriiska.
Ciyaartan oo ay xamaasad usii yeeleen Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola oo ay u tahay ciyaartoodii ugu dambaysay ee Premier League ah ee ay iska hor yimaaddaan, maadaama uu Klopp ka tegayo Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedka ayaa waxa sababta kulankan looga dhigay waqtiga gaarka ah lagu sheegay inay dalbadeen booliska Merseyside.
Taageereyaasha Liverpool ayaa markii ugu dambaysay ee ay Manchester City timid Anfield waxa ay weerareen baska ay saarnaayeen ciyaartoyda Man City, sidoo kalena jamaahiirta labada kooxood ayaa isku-dhacay, waxaanay taasi keentay in boolisku ay dalbadaan waqti ay xakamayn karayaan haddii ay rabshado bilowdaan.