Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka tuugay maamulka Manchester United in aanay shaqada ka caydhinin tababare Erik ten Hag illaa laga gaadhayo ciyaartooda Axadda ee garoonka Old Trafford, waxaanu codsigoodu yimid waqti ay soo baxayaan warar sheegaya in la eryayo tababare Erik ten Hag.
Manchester United ayaa la sheegay inay ka qanacday tababare Ten Hag kaddib guul-darradii Crystal Palace ay ugu xambaarisay Selhurst Park habeenkii Isniinta oo ay 4-0 kusoo xasuuqday, iyadoo laba gool uu ka dhaliyey weeraryahanka reer France ee Michael Olise halka labada kalena ay ku dareen Jean-Philippe Mateta iyo Tyrick Mitchell.
Maamulaha Manchester United ee Sir Jim Ratcliffe ayaa go’aansaday in uu shaqada ka eryo tababare Erik ten Hag, waxaana laacibiintii hore ee Man United ee Michael Owen iyo Garry Neville ay usoo jeediyeen in aanu go’aankiisa la sugin ciyaarta Arsenal, balse si degdeg ah uu u caydhiyo macallinka reer Netherlands oo naadigana si ku-meelgaadh ah loogu wareejiyo Steve McClaren.
Si kastaba ha ahaatee, taageereyaasha Arsenal ayaa ka naxay warka sheegaya in Manchester United ay shaqada ka eryayso tababare Erik ten Hag, waxaanay usoo jeediyeen in uu go’aankiisa la sugo illaa Isniinta toddobaadka dambe sababtoo ah waxay u arkaan macallin ay go’aamadiisa qaldan iyo liidashadiisu ka caawin doonaan kooxdooda Arsenal inay ka guuleysato Manchester United.
Arsenal oo rikoodh xun ka haysata garoonka Old Trafford ayaa hal mar oo kaliya guul kala soo laabatay tan iyo sannadkii 2006, waxaana ay guushoodani ahayd saddex sannadood iyo badh ka hor, markaas oo uu Pierre-Emerick Aubaemyang rikoodh ka dhaliyey Man United waqti dambe, iyadoo garoonkuna ahaa mid madhan oo taageereyaasha looga joojiyey fayraskii Covid-19.