Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa hu’ga dul-dhigatay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Everton ee Amadou Onana oo lagu tilmaamo inuu leeyahay qaab-ciyaareedka halyeygii Man City iyo xulka Ivory Coast ee Yaya Toure oo dhawr jeer noqday xiddiga sannadka ee horyaalka Ingiriiska ee Premier League.
Arsenal oo u dhacday kaalinta afraad ee horyaalka Premier League oo ay ka horreeyaan Liverpool, Aston Villa iyo Manchester City ayaa waxa ay raadinaysaa ciyaartooyo ay isku-xoojiso, gaar ahaan khadka dhexe iyo weerarka.
Mikel Arteta ma doonayo inay ku dhacdo sidii xilli-ciyaareedkii hore ee ay waqtiga dambe is-dhiibeen, waxaana uu isku dayayaa inuu helo ciyaartoydii ka caawin lahayd sidii ay mar kale ugu soo laaban lahaayeen hoggaanka horyaalke ee ay dhowaanta lumiyeen.
Amadou Onana oo wacdaro ka dhigayay Goodison Park tan iyo markii uu yimid sannadkii 2022 ayaa ay Arsenal doonaysaa inuu noqdo saxeexa ay kusoo kordhinayaan khadkooda dhexe, waxaana si gaar ah u calmaday laacibkan tababare Mikel Arteta oo ku doortay awooddiisa jidheedh, tayadiisa ciyaareed ee cajiibka ah iyo shaqsiyaddiisa wanaagsan.
Amadou Onana ayaa ku wanaagsan kubbadaha sare, xafiiltanka garoonka dhaxdiisa oo aanay cidina awood jidheed u sheegan karin, in uu madax ku dhaliyo kubbadaha maadaama uu dhererkiisu yahay 6’2, laad awood badan oo uu bannnaanka ka tuuro iyo inuu yahay ciyaartoy indho furan oo kubadda si fiican u qaybiya.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay, in Mikel Arteta ay ka go’an tahay inuu la saxeexdo 22 jirkan khadka dhexe ee garoonka oo dhan uu isku midka u yahay.