Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manhester City ma daawan doonaan ciyaarta adag ee horyaalka Premier League ee Brentford ay kusoo dhoweyn doonaan garoonka Etihad Stadium, fiidka hore ee Salaasada, taas oo ay doonayaan in ay kusoo laabtaan jidka guusha.
Manchester City oo afar dhibcood ka dambaysa Liverpool oo hoggaanka haysa, ayaa waxa ay Sabtidii barbarro 1-1 ah la gashay Chelsea oo marti ugu ahayd Etihad Stadium.
Tababare Pep Guardiola ayaa halgan u geli doona sidii ay kooxdiisa ugu soo laaban lahayd tubta guusha, haddii kalena waxa ay jug weyn soo gaadhi doontaa tartankii ay uu jireen horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.
Ciyaarta ay Brentford la dheelayaan Salaasada, ayaa ahayd kulan hore uga baaqday bishii December, waqtigaas oo ay ku maqnaayeen ciyaaraha Club World Cup, iyadoo kulankaas oo ku muddaysnaa December 23 uu horyaalka Premier League dib u muddeeyey.
Ciyaartan ayaa waxa ay kusoo beegantay waqti la dheelayo tartanka Champions League, waxaana xaaraantimaynaya sharciga Premier League in gudaha Ingiriiska laga daawado kulamo ku-celis ah, xataa haddii hore la iskula qaato in kulankaas dib loogu riixo waqtigaas.
Taageereyaasha Manchester City ayaa iyadoo ay kooxdoodu ciyaarayso waxa ay guryahooda ku daawan doonaan kulamada Champions League ee Inter Milan vs Atletico Madrid iyo PSV vs Borussia Dortmund.