Jamie Redknapp ayaa magacaabay xiddiga Chelsea ee kalidii iska lahaa masuuliyadda guul-darradii Blues kasoo gaadhay finalka Carabao Cup oo ay Liverpool ku garaacday 1-0, sidaasna koobka kaga qaadday.
Gool uu Virgil van Dijk madax ku dhaliyey daqiiqaddii 118aad ayaa Liverpool siiyey libintan, iyagoo sidaas ugu guuleystay koobkoodii koowaad ee xilli-ciyaareedka, waxaanay sidoo kale fursad u haystaan saddex koob oo kale oo ay ku tartamayaan, waana horyaalka Premier League ee ay hoggaankiisa hayaan, FA Cup oo ay wareegga shanaad usoo baxeen iyo Europa League oo ay wareegga 16ka taagan yihiin.
Waxay ahayd finalkii 64aad ee League Cup/Carabao Cup ee lagu ciyaaro Wembley Stadium, waxaana labada kooxoodba laga diiday min hal gool oo ay kala dhaliyeen labadii qaybood, kuwaas oo VAR ay meesha ka saartay.
Cody Gakpo iyo Conor Gallgher ayuu mid walba birta garaacay intii ay ciyaartu socotay, balse mid walba waxa uu garoonka ka baxay ciyaarta oo goolal la’aan ah oo natiijadeeda aan la go’aaminin.
Iyadoo la filayo in ay ciyaartu rikoodheyaal ku dhamaanayso, ayaa kubbad uu Kostantinos Tsimikas uu kasoo qaaday dhinaca, waxa madax ku qabtay Virgil van Dijk oo shabaqa ku hubsaday daqiiqaddii 118aad, kaas oo noqday goolka kala saaray labada kooxood.
Jamie Redknapp oo usoo ciyaaray kooxaha Liverpool, Tottenham, Bournemouth iyo Southampton ayaa canaan kula dul-dhacay difaaca Chelsea ee Disasi oo uu sheegay inuu ahaa laacibka ogolaaday in goolka laga dhaliyo kooxdiisa, waxaanu yidhi: “Didasi ayaa ahaa ninka weyn, si habboona uma aanu xidhin Van Dijk.
“Waxay ahayd kubbad wanaagsan oo ka timid Tsimikas. Chelsea waxa aad ka arkaysay in ciyaartoydeedu ay baqayaan, kuma aanay dhowaanin Van Dijk oo isaguna madax wanaagsan la helay.”