Jose Mourinho ayaa ka mid noqday tababareyaasha ugu cadcad ee la filayo in Chelsea ay magacowdo, kaddib markii uu Mauricio Pochettino lumiyey kalsoonida taagereyaasha iyo maamulka, iyadoo guul-darradii Axaddii ee Wolves ay 4-2 ku karbaashtay ay keentay in jamaahiirtu ay dalbadaan in la eryo.
Chelsea ayaa u dhacday kaalinta 11aad ee horyaalka Premeir League, waxaanay kaalinta afraad uga dhowdahay inay u dhacdo heerka labaad marka la eego dhibcaha ay haystaan, iyadoo ay hal buundo oo kaliya ka sarreeya kaalintii ay ku dhamaysteen xilli-ciyaareedkii hore oo ahayd 12aad.
sSida ay warbaahinta Ingiriisku ku warramayaan, waxa ay maamulka Chelsea raadinayaan tababare cusub oo ay ku beddelaan Pochettino oo ay u arkaan in aanu kooxda ku hagi karaynin guulo, isla markaana muddadii uu joogay ee ay lacagta badan kharash gareeyeen aanu waxba soo kordhin illaa haddana naadigu hoos usii socdo.
Todd Boehly iyo masuuliyiinta kale ee kooxda ayaa la sheegay in ay diiraddoodu saaran tahay Michel Sanchez oo ah tababaraha Girona oo ay si weyn u doonayaan, laakiin waxa ay u badan tahay in aanay heli doonin tababarahan maadaama ay kooxdiisu ku jirto kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga oo ay laba dhibcood oo kaliya ka hoosayso Real Madrid.
Tababaraha Brighton ee Roberto De Zerbi ayaa isaguna ku jira liiska macallimiinta ay Blues doonayso, laakiin waxa uu ogsoon yahay sidii ay Chelsea ula dhaqantay tababarihii isaga ka horreeyey ee ay Chelsea kasoo qaadatay Brighton ee Graham Potter oo muddo kooban lagu eryey.
Jose Mourinho ayaa waxa ay arrimahani ka dhigayaan tababaraha ugu cadcad ee Chelsea loo magacaabi doono marka la eego duruufaha adag ee yaalla, iyadoo Xabi Alonso oo ay sidoo kale indhaha ku hayaan aanu ka tegaynin kooxdiisa Bayer Leverkusen waqtigan.